Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka ee Caasimadda

0

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Aadan Cabdilaahi Cabdalla, ayaa tabobar u soo xidhay Kun Macalin oo ka tirsan Bareyaasha ka hawl-gala Madarasadaha lagu barto Xiftiga Qurโ€™aanka Kariimka ah ee dalka.

Tabobarkan oo ay bixinaysay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo in muddo socday, ayaa macalimiintu ku qaateen casharro ku saabsan qaabka ay ardayda ugu gudbinayaan Manhaj cusub oo Wasaaraddu u diyaarisay Madarasadaha Barashada Qurโ€™aanka Kariim ah iyo Tarbiyadda Ubadka.

Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, ayaa 20-kii July ee sannadkan soo bandhigtay Manhaj loogu talo-galay in lagu mideeyo Waxbarashada Madarasadaha Qurโ€™aanka Kariimka ah, kaas oo Wasaaraddu in muddo ah ku hawlanayd diyaarintiisa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Aadan Cabdilaahi Cabdalla oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey Siyaasadda Wasaaradda ee ku wejahan midaynta Manhajka Waxbarasho ee Madarasadaha Qurโ€™aanka iyo tayaynta macalimiinta ka hawl-gala.

โ€œTabobarkan oo in muddo ahba socday, waxa bixinayey Maxadka tabobarka Macalimiinta iyo Imaamyada Masaajiddada ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo la aasaasay sannadkan, waxaana loogu talo-galay in lagu tayeeyo macalimiinta, maamuleyaasha madaarista Qurโ€™aanka iyo Imaamyada iyo Muโ€™addimiintaba maadaama oo wasaaraddu masuul ka tahay arrimaha Diinteenna suubban.

Wasaaraddu waxay tabobarkan ugu talo-gashay in macalimiinta lagu tabobaro qaabka ay u dhigayaan Manhajka oo ay fekrad guud ka qaataan. Waxaanu ugu talo-galnayย  in 7 Kun oo Macalin oo dalka oo dhan ah la guddoonsiiyo shahaadooyin dhammeystiran oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta, taasna waxaad ka garanaysaa muhiimadda aad leedihiin macalimiin iyo maamul ahaanba.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu macalimiinta iyo Ardaydaba u leeyahay tabobarka oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee ay qaataan bareyaasha ka hawl-gala Madarasadaha lagu dhigo Qurโ€™aanka Kariimka ah.

โ€œWasaaradda Diinta iyo Aw-Qaaftu waxay Madarasadaha Qurโ€™aanka Kariimka ah u diyaarisay Manhaj tilmaamaya sidii Ilmaha yar ee gacanta lagu hayaa u noqon lahaa Ilme yar oo ku barbaara Illaahay Kitaabkiisa iyo Qawlkiisa isla markaana la helo macalin ku habboon oo u dhigi kara.

โ€œManhajkan oo diyaarintiisu muddo badan nagu qaadatay, waxaanu ku doonaynay inaanu ku midayno Waxbarashada Aasaasiga ah ee malcaamadaha Qurโ€™aanka Kariimka ah oo sidii ay hore u ahayd wax iska beddelaan si Macalinka iyo ardayguba ay fursad u helaan oo ardaygu uu madarasad ka soo beddelan karo, halkii uu marayana looga bilaabi karo maadaama oo aynu haysanno manhaj midaysan,โ€ Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, isagoo halkaas ka sheegay inay wasaarad ahaan sii wadayaan tabobarka macalimiinta Madarasadaha Qurโ€™aanka, kuwaas oo uu ugu baaqay dhammaantood ka faaโ€™idaystaan tabobarrada.

Gebo-gebadii munaasibadda, waxa uu Wasiirku shahaadooyin ka tarjumaya inay tabobarka dhammaysteen ku guddoonsiiyey macalimiinta Madarasadaha Qurโ€™aanka Kariimka ah oo muddo dhowr maalmood ah ka faaโ€™idaystay casharro iyo duruus ay bixinayeen culimo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net