Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxay Ka Yidhaahdeen Biyo La’aanta Caasimadda?

0

Wakaallada Biyaha HargeysaHargeysa, (SLpost)- Maareeye ku xigeenka Wakaaladda biyaha Hargaysa Cismaan Cabdilaahi Hirad, ย ayaa sheegay in biyo yaraanta baahsan ee maalmahan ka jirta magaaladda Hargaysa ay sabab u tahay ย Ceelashii biyo laga soo saari jiray ย oo ay biyahoodu yaraadeen iyo abaaraha ka jirra degaamo ka mid ah dalka oo saamayn ku yeeshay.

Maareeye ย ku xigeenku waxa uu tilmaamay ย in qaybta ugu badan ee bulshadda caasimadda ay biyaha siin jireen Booyadaha ka soo Dhaamiya dooxyadda magaaladda u dhaw, hase yeeshee Booyadihii intoodii badnayd ayย  dhawaan bilaabeen in ay biyaha u qaadaan meelahaย  ay abaaruhu ka jiraan.

Cismaan Cabdilaahi Hirad,ย  oo shalay ย shir jaraaโ€™idย  ย ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku dooday in ย aanu jirin wax is-bedel ah oo ku yimid biyaha ay soo saarto Wakaaladda biyaha Hargaysa oo ย ay sidii caadiga ahayd u socdaan, isla markaana ay weliba kordhiyeen saacadaha ay Mishiinadu biyaha ka soo saaraan Ceelasha.

Waxaanu ย ย ย ย yidhi โ€œMudooyinkanย  danbe waxaaย  magaaladda Hargaysa ka jirra biyo laโ€™aan, taasiย  oo aan ahayn tii aanu anagu wadnay.ย  Mushkiladdaย  jirtaana waxa weeyi,ย  marka horeย  biyihii aanu anagu soo saari jirnay guud ahaanbaย  waanu soo saarnay,ย  intii MQ (Miter Quebec) ย ย ย ย ee aanu soo saari jirnay,ย  si wanaagsana way u shaqeenayaan oo way u socdaan. Waxaย  kale oo jirta xilliganย  aynu ku jirno waa Xagdaa,ย  Guโ€™giiย  Jiilaal buu isku bedelay oo roob ma diโ€™in,ย  toban bilood gudahood wax roob ah oo ka daโ€™ayย  Hargaysa iyo hareeraheeda ma jiro.ย  Dooxyadiiย  biyaha laga soo dhaamin jiray waa laga waayey, Booyadahaย  ayaa ugu yaraan 45% buuxin jiray adeega biyaha ee caasimada Hargaysa, taasi waxayย  keentay in ayย  Ceelashii biyo ka waayaan, mararkaย  qaarna ay dhacdoย  biyo laโ€™aantaย  jirta Baadiyahaโ€.

โ€œMarkaaย  Booyadihii waxay u qaybsameen waxย  Baadiyaha taggaย  iyo wax goobihii ay tegi jireen biyo ka soo waayey, middaย  kalena way jirtaa oo markiiย  Booyadihii ay dadkuย  ka Dhaansan jireen ay waayeen waxayย  noqotay,ย  in meeshii biyaha yar ka baxayeen in la iskugu taggo,ย  oo Jirikaamadda la isugu geeyo.ย  Laakiinย  haddii aanu nahay Wakaaladda biyaha Hargaysa, waanu soo saarnaa biyihii aanu soo saari jirnay, welibaย  saacado aanu Bakhtiin jirnay Mishiinaddaย  ayaanu ku darnay oo Afar saacadood oo dheeraad ah, kuwaasiย  ayaa ku jira biyihii aanu markii hore soo saari jirnay,ย  si aanu u ilaalino baahida biyo laโ€™aaneedโ€ ayuu yidhi maareeye ku xigeenka Wakaaladda biyaha Hargaysa.

Dhinaca kale maareeye ku xigeenkaย  Wakaaladda biyaha Hargaysa, ayaa u soo jeediyay war-baahinta in marka ay xog uga baahdaan Wakaalaadda biyaha in ay la soo xidhiidhaan masuuliyiinta, balse aanay qaadan wararka kutiri-ku teenka ah. ย ย ย โ€œWaxaan u sheegayaa dadka war-xumo ย tashiilka ah, ย ee meelahaa la yaacaya warka in marka ay doonayaan Wakaaladda biyaha, ee ay ย wax ka sheegaan inay annaga na waraystaan, ย oo ay noo yimaadaan, masuuliyiintii baa joogta, dadkii biyaha cabayey baa jooga, biyo soo saarkii baa jira.ย  Markaa ย ย waa inay masuuliyiinta ย ka waraystaan,ย  ee aanay ku-tiri kuteenka qaadanโ€ ayuu yidhi Cismaan Cabdilaahi Hirad.

Ugu danbayntii ย Cismaan Cabdilaahi Hirad, ย waxa uu ย kula dar-daarmay ย bulshaddaย ย  inay ka daayaan Ciidda ay ka gurayaan dooxyadda, ย taasi ย oo uu sheegay in ay sababtay ย in biyuhu ay fogaadaan isla markaana dooxyadii laga Dhaasan jiray biyaha in biyo laga waayo.