Burco (SLpost)- Masuuliyiintaย ย wasaaradda caafimaadkaย ee gobolkaย Togdheerย ayaa maanta si cadย ugu dhawaaqdayย inay adag tahay sidaย loola tacaali karoย xaaladda cudurkaย Jadeecadaย oo ku sii faafayaย deegaanada gobolka togdheer.
Isuย duwahaย caafimaadka ee gobolka ย togdheer Drย Cabdi Yaasiin, masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xaruntaย caafimaadka ee gobolka togdheerย ย iyo Saraakiil ka tirsan hayโaddaย โWHOโย oo maanta shir jaraaโidย ku qabtayย magaaladaย ย Burcoย ayaa waxayย tilmaameen in cudurย jadeecadaย uu ku faafayoย deegaamadaย gobolkaasi,ย iyagoo sheegay in xadigaย dadka ee uu ku dhacayย xanuunkaasi ayย sii kordhayaan, isla markaana cusbitaalku aanย qaadi karayn.
Isuduwahaย caafimaadkaย ee gobolkaย togdheerย Drย Cabdiย yaasiin oo shirkaasi jaraaโidย ugu horayn ka hadlay ayaa wuxuu cadeeyeyย in ilaa iyo hadda dadka uu ku dhacayย xanuunkaasi ee soo gaadhayย cusbitaalka Burco ayย gaadhayaanย 350ย qofย oo isugu jira caruur,ย dad waaweyn,ย haween iyoย welibaย dadka ay ย daโdooduย dhaxdhaxaadka tahay.
Isuduwuhuย waxaa kaloo uu sheegayย inย bishi labaadย ย ee lasoo dhaafayย uuย cudurkaniย ka bilaabmayย deegaamoย ka mid ahย gobolka saraar,ย haatanaย uu soo gaadhayย deegaano ka mid ah gobolka tagdheerย ย iyo xaafadoย ka mid ahย magaaladaย burco gaar ahaan xaafadaha October iyoย agagaarka sayladda.
Sidoo kale,ย agaasimahaย cusbitaalkaย magaaladaย Burcoย Dr Cabdiqaadir Muuseย ayaa isna dhiniciisa kaย sheegay inย sida lagulaย tacaali karoย xanuunkaniย ayย tahayย ka hortag balaadhan oo la sameeyo,ย waxaanu uguย baaqay xukuumadda Somalilandย wasaaraddaย caafimaadkaย iyoย hayโadahaย ku shaqada lehย caafimaadkaย ย inayย gurmad ka qeystaanย sidii loola tacaali lahaa loonaย xakamayn lahaa fiditaankaย cudurka jadeecada.
Drย Cabdiqaadirย Muuseย waxaa kaloo uu ka digay inย haddiiย ayย xaaladani sii socoto ayย keeni karto dhimasho iyo mid ka adag halka uu maanta marayso.
SOMALILANDPOST.NET
SLpost News/Hargeysa