Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 27aad

0

(Maalin-qorka โ€œMucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Guddoomiyaha DAWAN

Qormadeenii 25aad ee shalay waxaynu ku soo aragnayย  siyaabihii kala duwanaa ee ay masuuliyiinta ย iyo hawlwadeenada wasaarada warfaafintu u arkayeenย  ama u dareemeen baadhistii Hantidhawrku ka bilaabay wasaaradda warfaafinta 30/07/2012-ka. ย Ayaa maantana waxa aynu si gaar ah qormadeenan ugu eegaynaaย  waxyaabihii kala duwanaa eeย  baadhistaa ka soo baxay iyo weliba noocyadii ย musuq maasuqa iyo hanti lunsiga ahaa ee ay kashiftay ย ย baadhistii Hantidhawrkuย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย in ay wasaaraddaas ka jireen, kuwaas oo aynu qaarkood farta ku fiiqi doono.

Inkasta oo xaqiiqo ahaan marka la eego heerka ay gaadheen musuq maasuqa iyo xatooyada ka dhacday wasaaraddaasi mudadii koobnayd ย ee uu Boobe xukumayeyย  ay ย ย adag tahay ย ย in si fudud loo tilmaamo ama la helo wax halbeeg iyo minqiyaas ah, oo ย ย lagu cabiri karo ย ย inta ayย  dhamayd baaxadooda iyo qaradoodu. Ayaa waxaynu odhan karnaa waxay ahaayeen xatooyo iyo musuq maasuq aanu noocoodu weligiiba Somaliland iyo Soomaaliya toona ka dhicin.ย  Sidaas dateed xatooyada iyo wax is daba marinta ka jirtey wasaaradda warfaafinta ee baadhista Hanrtidhawrku ku sameeyey wasaaradaasi ay dibeda u soo saartay waa kuwo aanu caqliga Bani-Aadmigu qiyaasi Karin.ย  Arimaha ย kale ee iyaga laf ahaantoodana baadhistaasuun lagu ogaaday, ย ee waxaas oo dhanba ka cajebta badnaa waxay ahay ahaayeen xeeladahii iyo ย farsamooyinkii kala duwanaa ee ay adeegsan jireen ย xubnihii ku lugta lahaaย  musuq maasuqa iyo wax is daba marinta ka jirtey warfaafintu marka ay wax lunsanayaan. Kuwaas oo iyaga qudhooduna ahaa farsamooyin ย iyo xeelado musuq maasuq oo ย weligeen iyo waaqeenba ย aanay kuwo la nooc ahiย  taariikhda horeย  inoogu soo marin.

Taas aawadeedna maadaama xatooyada iyo musuqa warfaafinta ka dhacayย  yihiin kuwo noocyo cusub oo aynaan hore u aqoonin ah, waxaa lagama maarmaan ah in aynu u helno eray bixin cusub iyo magacyo lagu garto, looguna yeedho.ย  Kolkaa iyada oo aan rajaynayo in eray bixintooda iyo magacyada cusub eeย  loo bixinayaaba ay noqon doonaan kuwo dadweynaha u furan oo aad ka wada qayb qaadan doontaan. Ayaaย  aniga oo idinla wadaagaya ย arimahaas u magac bixintooda, haddii aan ku hor maro magac bixintaas waxaan odhan lahaa, aynu u bixino xatooyadii ka dhacday wasaaraddaasย ย  โ€œXATOOYO WADAREEDโ€ ย sidoo kalena waxaan soo jeedinayaa in loo bixiyo musuq maasuqa nooca cusub ah eeย  warfaafinta laga helayna magacaย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  โ€œMUSUQ MAASUQII GIRAANTAโ€ .

ย Sababta aan magacyadaas ugu doorayna waxa weeye iyada oo magacyadaasi yihiin kuwo ka turjumaya siyaabihii kala duwanaa ee wax loo xadi jirey, waxna loo musuq maasuqi jirey. Tusaale ahaan marka aynu eegno xatooyadii ka dhacday warfaafinta, waxaynu arkaynaa in ay ahayd xatooyo dad faro badani ka qaateen ama ka qayb galeen. Taas jiritaankeedana waxa daliil u ah oo ka markhaati kacayaย  lacagta lagu xadi jirey heshiiskii shirkada Thaicom inta ruux ee ku lugta lahayd, ama wax ka qaadan jirtey, kuwaas oo ahaa dad ilaa tobaneeyo ruux ku dhow. Markaa waxa halkaas inooga muuqata in xatooyada lacagtaasi ahayd xatooyo wadareed.

Waxaase Illaahay mahadii ah in maanta ay meesha ka baxday oo Qaranka loo badbaadiyey lacagtii lagu xadi jirey heshiishkii shirkada Thaicom ee uu Boobe joojintiisa diidanaa, isla markaana uu ku soo baxay magaca Matooyo wadareed. Kaas oo la joojiyey muddo yar uun dabadeed markii Boobe xilka laga qaaday.

Hadaba si aad indhihiina ugu aragtaan in heshiiskaa la joojiyey iyo lacagta Qaranka loo badbaadiyey ee heshiiskaa lagu xadi jirey waxaan midkasta dhawr page oo ka mid ah halkan idiinku soo bandhigayaa labada heshiiskii hore ee Thaicom iyo heshiiska cusub ee iminka lala galay shirkadaas, iyada oo aan qormooyinka dambe idiinku faah faahin doono waxyaabaha ay kula duwan yihiin labadaa heshiis. Waana kuwan labada heshiis oo sawirani.

ย 

La socoโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ.