(Maalin-qorka โMucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.
E-mail: dawanchairman@gmail.com

Qormadii 25aad waxaynu kaga soo hadalnay siyaabihii kala duwanaa eeย ay shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaradda warfaafintu u arkayeenย baadhistii uuย Hantidhawrku ka bilaabay wasaaraddaas maalintii taariikhdu ahayd 30/07/2012-ka.ย Taasย oo aynu soo sheegnay in shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaradda intooda badani u arkayeen arin iska caadi ah oo aan wasaaradooda uun ku koobnayn, balse ay tahay arin ย had iyo jeer ka dhacda hayโadaha kala duwan ee dawlada. Waxa kale oo aynu ย xusnay in ay jireen xubno tiro yar oo iyagu baadhistaa si weyn uga soo hor jeerday, una arkayey in ay dhibaato ka soo gaadhi doonto.
Sidaa darteed qormadan maantana waxa aynu si gaar ahย ugu eegi doonaa dareenkii ay xubnahaas oo ay hormood u ahaayeen wasiir Boobe iyo Xasan Maxamuud ka bixiyeen ย baadhista ย Hantidhawrka iyo welibaย wixii fal-celis ahaa ee ayย ku kaceenย si ay baadhistaas u joojiyaan. Run ahaantii inkasta oo ay aad u adagtahay in aan qallinka idiinku sawiro dareenkii dhabta ahaa ee xubnahaasi ย sida uu ย maalintaas ahaa ย iyo tallaabooyinkii kala duwanaa ee ay sida deg degga ah ugu qaadayeen in ย ay ย ku hor joogsadaan Hantidhawrka iyo baadhistiisaba. ย Ayaa hadana waxaan isku deyi doonaa in aan idinla wadaago, isla mar ahaantaana ย ย ย si kooban wax ugaย ย tilmaamo dhawr arimood oo aan odhan karo waxay ahaayeen ย kuwiiย aniga shakhsiyan iigu layaabka badnaa,ย marka la eego waxyaabihii kala duwanaa ee iyo falalkii tirada badnaa ee ay xubnahani ku kaceen maalintaas.
Marka hore sidii aan horeba idiinku soo sheegay Hantidhawrku waxay wasaaradda soo galleon xilli salaad hore ah, oo aanay weli shaqada soo gelin madaxda iyo ย shaqaalaha wasaaradda intooda badani. Markaa inuu wasaaraddii Hantidhawr soo galay dadka badankoodu waxay ogaadeen goor dambe oo ย kooxdii Hantidhawrka ahayd ย xafiisyadii maamulka iyo lacagta ee Tv-ga iyo Idaacadda oo horeba u wada xidhnaa ay midkastaba quful weyn ku sii dulย xidheen, albaabkanaย kaga dhejiyeen waraaq ay ku qorantahay lama furi karo.ย Taas aawadeed xubnihii masuuliyiinta ka ahaa xafiisyadaasi markii ay arkeen xafiisyadoodii oo uu Hantidhawrku xidhay, waxayย naxeenย naxdin uu qof bani-Aadam ahi naxo tii ugu xumayd, haba sii kala darnaadaane. Waxaa dhacday in qaarkood saacado dhan laga waayey ย wax dhaq dhaqaaq ah iyo wax hadal iyo hugun ahba.
Waxyaabaha maalintaas dhacay ee aan sida gaarka ah u xasuusto waxa ka mid ah xaaladii uu ku sugnaa Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Tv-gu Xasan Maxamuud, taasoo aan ย odhan karo waxay ahayd xaalad aan geeri iyo nolol midna lagu tilmaami Karin.ย Waxay ahayd xaalad uu aad ugaย naxayey qof kasta oo ninkaas arkaaba.ย ย Waxaa mar keliya dugul madow isu rogayย midabkiisii dhalaalka iyo quruxda badnaa.ย ย Waxaa si deg deg ah isu bedelay jawigiisii iyo shucuurtiisii oo dhan. Inkasta oo wakhtigu ahaa xilli aroor hore ah, oo ay dhaxan faro badani jirteyna,ย waxa hadanaย jidhkiisa oo dhan iyo dharkii uu xidhnaaba ย sida dhibicda roobka u wada qooyey dhididkii isaga ka dhacay. Waxuu qof kasta oo subaxaa Xasan u jirsaday masaafo dhawr talaabo ahiba si wanaagsan u maqlayey fug fugta ka baxaysa garaaca wadnahiisa. Ma layaab buuse lahaaย miskiinku!!ย Waxaa u muuqday ย wixii uu musuq maasuq iyo wax is dabamarin sameeyeyย oo xogtoodii la wada helaye.ย Waxaa hor yimi iyada oo uu Hantidhawrku kabadhada iyo khaanadaha xafiiska ka soo gurayo deraasiin buugaagta waraaqaha qaansheegta loo yaqaano ah (Invoice) iyo deraasiin buugaagta waraaqaha gudoonka loo yaqaano ah ย ย (Receipt Vouchers). Kuwaas ooย dhamaantoodba ahaa buugaag sharci darro ah, oo ays isaga iyo cidii kale ee la ogayd u soo daabacdeen in ayย ku xadaan hantida ummada ee ay masuulka ka ahaayeen, iyaga oo waraaqahaasna ka dhigaya waraaqo biilal ah oo ay ku bixiyeen lacago deyn ah oo ay dad ganacsato ahi ku lahaayeen.ย Waxa kaleย oo uu arkayey shaabadahii foorjeriga ahaa ee ay u adeegsan jireen lunsiga xoolaha ummada oo Hantidhawrku si hawl yar uga soo dhuftay mid ka mid ah khaanadaha miiska xafiiskiisa. Waxaa wer wer iyo walbahaar aan la qiyaasi Karin ku hayey liisaskii ay ku qornaayeen shaqaalaha caagleyaasha ee ay bil kasta ku lunsan jireen lacagta kumanaanka kun ee dollar ah oo Hantidhawrka gacanta u galay, ka dibna ayย u bandhigeen masuuliyiinta wasaaradda ee ay awel hore ka qarin jireen. Isku soo wada duuboo intaas oo wax oo wada musuq maasuq iyo tuugo ku saabsan ninka ay cadaymahoodii dhami xafiiska u yaaleen ee uu Hantidhawrku aroor hore albaabkii ka xidhay bal is weydiiya xaaladiisu sida ay noqon lahayd. Sow ma cada inuu ku sugnaanayo xaalad aan geeri iyo nolol midna lagu tilmaami Karin.
ย Waxa kale eeย ย maalintaa fajaca ย iyo amakaagaย igu riday waxa uu ahaa ย dareenkii iyo habdhaqankii la yaabka badnaa ย ee aan ย ย ku arkay wasiir Boobe, kaas oo run ahaantii ahaa midย ย maskaxdayda ku reebay sawir aanay xusuustiisu weligeedย guurayn. ย Waayo waxuu ย ahaa mid aan waali iyo miyir qab midna lagu sheegi karayn. Waxuu ahaa dareen ay deganaanshihii iyo xasiloonidii oo dhami ka maqan yihiin. Waxuu ahaa dareen iyo habdhaqanย masuuliyaddaย iyo waayeelnimada labadaba ka fog.
ย La Socoโฆโฆโฆโฆ