Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa si adag uga hadlay xiisadda colaadeed ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, waxaanuย ugu baaqay inay ka wada-shaqeeyaan midnimada dadka iyo dalka.
Md Daahir Rayaale Kaahin oo caawa hadal ka jeediyey munaasibadda xuska 18 May oo caawa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada, waxa uu u duceeyey shacabka deegaanka Ceel-Afweyn.
Muuqaalkan Hoose ka Daawo Hadalka Daahir Rayaale
https://youtu.be/h8m2JVUEMmE