Hargeysa, 14 February, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud ayaa laba digreeto oo uu caawa soo saaray xilalkii ay Qaranka u hayeen kaga qaaday Laba masuul oo xilal ka hayey wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Labada Warsaxaafadeed oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xilalkii ay ka hayeen laga qaaday Gudoomiyaha Hayβadda Qurbejoogga Somaliland Md. Saleebaan Faarax iyo Agaasimihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Maxamuud Raage Ibraahim oo isagu shalay shaaciyey inuu iska casilay xilka uu madaxweynuhu maanta ka qaaday.
Labada Digreeto ee madaxweynuhu Xilalka kaga qaaday labada masuul ayaa u dhignaa sidan:
Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbejoogga
βMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-929/022012 Xilkii uu hayey kaga qaaday Mudane, Saleebaan Maxamed Faarax oo ahaa Gudoomiyihii Hayβadda Qurbajooga Somaliland.
Waxaan kaaga mahad-celinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay sidaa awgeedna Xilka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in uu meerto noqodo oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, maadaama aad muddo dheer soo haysay xilka Gudoomiyaha Hayβadda Qurbajooga, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkii Gudoomiyaha Hayβadda Qurbajooga.β
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
βMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-928/022012 Xilkii uu hayey kaga qaaday Mudane, Maxamuud Raage Ibraahim oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Maadaama oo aad xilkii ka soo bixiweyday, xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in uu meerto noqodo oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, maadaama aad muddo soo haysay xilka Agaasiimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeddaβ
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net