Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxaed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi-baadhista u magacaabay Cali Xaamud Jibril oo hore u ahaan jiray Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaadda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa bishii Afraad ee sannadkan xilka ka qaaday Wasiirkii hore ee xidhiidhka goleyaasha oo shaqo ka eryistiisa loo daliishaday xil-gudasho laโaan iyo cabasho la xidhiidha wada-shaqayn laโaan ay masuuliyiinta wasaaraddiisu ka gudbiyeen.
War-saxaafadeed xambaarsan magacaabista masuulkan oo uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: โMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2622/072014 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday:ย ย ย ย ย ย ย Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
ย
Wuxuu goโaansaday
In Mudane, Cali Xaamud Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.โ
Wasiirka Cusub ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi-baadhista Cali Xaamud Jibril, ayaa ka mid ahaa Xubnihii u horreeyey ee xukuumadda Siilaanyo ku bilowday dhismaha maamulkeeda markii ay talada dalka la wareegtay sannadkii 2010 xilligaas oo ay ku guulaysatay doorashadii Madaxtooyada Somaliland, waxaanu madaxweynuhu u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada, haseyeeshee waxa xilkaas laga qaaday markii uu hayey muddo ku dhow saddex sanno.