Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray balaadhin iyo horumar lagu sameeyay madaarka caalamiga ee Cigaal Airport.
Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay madaarka magaalada Hargeysa ayaa waxa kala qayb galay madaxweynaha wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada, madax-dhaqameed, culimo-awdiin iyo marti sharaf kale, waxaanu madaxweyne kormeeray mashaariic tiro badan oo laga hirgeliyay madaarka, kuwaasoo ay ka mid yihiinย balaadhin lagu sameeyay Run-wayga, xarun dab-demis iyo hanaanka adeegga diyaaradaha ee habeenkii, kaasoo sahlaya inay habeenkii si fudud diyaaraduhu uga soo degaan Cigaal Airport.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasibadaas maanta ugu mahad-naqay waxqabadka ay dhamaan hawl-wadeennada wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo uu ugu horeeyo wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi.
HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA MADAXWEYNAHA OO DHAMAYSTIRAN:-