Hargeysa, (SLpost)- Afar war-saxaafadeed oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, ayuu Madaxweyne Siilaanyo waxa uu guddiyo kala duwan ugu kala magacaabay xalinta khilaafaadkii ka taagnaa Ceel-bardaale, Bilicda Caasimada iyo Ciyaaraha Gobollada.
War-saxaafadeedyadaas oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadu waxay u kala dhignaayeen sidan:
Guddiga dhamaystirka khilaafaadka Ceel-bardaale:
โMadaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isaga oo ugu mahadnaqaya Duqaydii iyo waxgaradkii ka hawlgashay, hawsha ceel-bardaale ee ku guulaysatay inay isu soo dhawayso dadka deegaanka, isaga oo u mahad-naqaya Odayada labada Dhinac ee garawsaday inay nabadu tahay ta guul lagu gaadhi karayo, isaga oo xaqiiqsaday in loo baahan yahay in la qodax tiro oo la dhamaystiro Arrinta shaqaaqadii la baxday ceel-bardaale waxa uu magacaabay Guddida kala ah:
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Ku: Xildhibaan Cali Maxamed Muuse
Ku: Xildhibaan Mahdi Xuseen Caraale
Ku: Muxumed Aw Axmed Aadan
Ku: Cawil Xuseen Axmed
Ku: Xildhibaan Axmed Daahir Jirde
Ku: Suldaan Axmed Daahir
Laga bilaabo maanta (shalay) waxa aan idiin magacaabay Gudida Dhamaystirka xalinta Khilaafaadka Ceel-bardaale. Hadaba mudanayaal si ay hawshaasi sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro waxa Guddidan Gudooomiye u noqon doona Xildhibaan. Cali X. Maxamed Muuse.โ
Gudida Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda:
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markuu tixgeliyey baahida loo qabo kor uqaadida faya-dhawrka, nadaafada iyo Bilicda Caasimada, waxa uu magacaabay:
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Barashada
Ku: WasiirkaWasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Ku: Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka
Ku: Duqa Caasimada
Ku: Badha-saabka Gobolka Maroodi-jeex
Ku: Agaasimaha Fulinta Nagaad
Ku: Agaasiamaha Sonyo
Sida aad ka war-qabtaan Bilicda iyo Muuqaalka Caasimaddu waxay qayb muhiima ka qaadataa milgaha dawladnimo iyo aayaha horumarka qaranka, sida diinteena suuban dhigayso, Nadaafadu waxay ka mid tahayย iimaanka. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda qoraalkan waxaan idiin magacaabay Gudida Bilicda Caasimada, waxaana Gudoomiye idiin noqon doona Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).
Gudida Tartanka Ciyaaraha:
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynuhu isaga oo tixgelinaya Muhiimada ay tartanada ciyaaruhu u leeyihiin Bulshada Dhalinyarada, wakhtigana ay joogto xiligii la qaban lahaa tartankii Ciyaaraha Gobolada, waxa uu magacaabay gudi Wasiiro ah oo wasaaradda Ciyaaraha iyo xidhiidhada Ciyaaraha ka caawisa, isla markaana ku hogaamisa sidii ay tartanadani u noqon lahaayeen lagana midho dhaliyo. Magacyada gudiduna waxay kala yihiin:
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhalin yarada iyo Ciyaaraha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada
Ku: Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare
Ku: Xildhinaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeyo
Ku: Xildhibaan Abokor Cabdiraxmaan Good
Ku: Madaxa Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka Golayaasha
Ku: Maareeyaha Hayโadda Dawrista Tayada (Quality Control)
Ku: Suldaan Axmed Daahir
Sida aad ka war-qabtaan, Ciyaaruhu waxay qayb weyn ka qaataan dhismaha bulshada iyo horumarinta dhalinyarada, waxaanay ahmiyad u leeyihiin Caafimaadka iyo isku xidhnaanta gobolada Dalka. Sidaa Darteed laga bilaabo taariikhda qoraalkan, waxan idiin magacaabay ka hawlgalka ciyaaraha gobolada ee sannadka 2011. Guddigan waxa Gudoomiye u ahaan doona Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Mudane, Cabdi Siciid Faahiye.โ