Hargeysa, (SLP)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta golaha guurtida u gudbiyay warqada dalabka muddo kordhinta xilkiisa.
Komishanka Doorashooyinka ayaa tiodobaadkii hore ku dhawaaqay in muddo sannad ka dib xilligii ay qabsoomi lahayd doorashadu ay awood u leeyihiin inay farsamo ahaan qabtaan doorashada madaxtooyada iyo wakiillada. Sidaa darteed qoraalkan uu madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay golaha guurtida ayaa daba socda goโaankaas hore ee Komishanka.
Sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhaw madaxtooyadu sheegayaan, waxa uu madaxweyne Siilaanyo guurtida kaga codsaday qoraalkaas inay raacaan goโaankii ay hore komishanka doorashooyinku u soo sareen, isla markaana ay ka gutaan waajibkooda dastuuriga ah.
Somalilandpost.net