Madaxweyne Siilaanyo oo Golihiisa Wasiirada ku soo kordhiyey Siyaasi Mucaarad ku ahaa Xukuuumaddiisa

0

Khubadda Madaxweyne Siilaanyo Xuska 18 May: โ€œWaxaanu Bulshada Caalamka ugu baaqayna in ay si qoto-dheer uga fiirsadaan dhismaha ciidanka cusub ee Soomaaliya iyo hubka lagu soo daldalayoโ€Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa digreeto uu caawa soo saaray magacaabis iyo isku-beddel ku sameeyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.

Waxa uu Madaxweyne Siilanayo u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha inuu noqdo Mawliid Maxamuud Ibraahin oo ahaa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaanu wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ah u magacaabay Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) oo ka mid ahaan jiray Xisbigii burburay ee UDUB, markii dambe ahaa Xoghayihii Guud ee Xisbiga UCID, ka hor intii aanu badhtamaha sannadkii hore ku u diga-rogan xisbiga Kulmiye.

Digreetada madaxweynuhu magacaabista iyo isku-beddelka ku sameeyey labada masuul, ayaa u qornayd sidan:- โ€œMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3392/062015, ku magacaabay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, isaga oo wasiir ku xigeenkii horena u bedelay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: ย In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu goโ€™aansaday

axmedkeyseIn Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Beddel (Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah)

Wuxuu goโ€™aansaday

In Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.โ€