Hargeysa, 18 February 2012 (SLpopst)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay musuqmaasuq uu ย ku xukuumaddiisaย u jeediyay Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga talada haya ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaanu isku difaacay inuu ku kalsoon yahay Wasiirradiisa isla markaaan ay dalka ka jiraan hayโado u xilsaaran daba-galka arrimahan oo kale.
Madaxweynaha oo ka jawaabaya suโaal laga weydiiyey si uu u arka eedaymaha musuq-maasuq ee xukuumaddiisa loo jeediyey iyo in xukuumaddiisu tahay tii ugu musuq badneyd waxa uu yidhi, โDawladdayda musuqmaasuq kama jiro ayaan leeyahay oo waxaan ogahay kama jiro, musuqmaasuqu waa mid aanu la dagaallamayno Hayโado badan ayaannu u samaynay musuqmaasuqa la dagaallankiisa oo ay ka mid tahay Hayโadda maamul-wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo Hanti-dhawrkii ayaa jira, had iyo goor qaran walba wuu ka soo baxaa dad ama ashqaas markii wixii ay doonayeen iyo danahoodii ay waayeen ku aflagaaddooda masuuliyiinta dawladda ayaa iska jira. Waxaasna samir, adkaysi iyo dulqaad aannu ku qaadno waannu leenahay,โayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mar uu maanta war-fidiyeennada ugu warramayey madaarka caasimadda Hargeysa oo uu maanta ka dhoofay.
Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisii sii raaciyey, โHaddii meel musuqmaasuq yimaado dadku waa baniโaadami waxa walba macsuun kama ahaa, haddii ay timaado hayโaddo qaranbaa jira oo loo sameeyey ย oo lagu talo-galay inay musuqmaasuqa baadhan oo ay warkeeda keenaan hayโaddahaasina way badan yihiin oo waxa jira hayโadd musuqmaasuq oo aanu abuurnay oo odhodkii ayaa jira oo waxaasi wixii loo baahdo ayay baadhanayaan oo way eegayaan haddii musuqmaasuq jiro oo iyaga ayaa soo saarayaaโ.
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net