Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xeer madaxweyne dhaqan geliyey aasaasida Ciidanka ilaalinta ammaanka goobaha laga wado sahaminta Shidaalka iyo Macdanta ee dalka, kaas oo maamul ahaan hoos-tagi doona taliyaha Ciidanka Booliska oo la tashanaya Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland.
Ciidanka Ilaalinta Sahaminta iyo Soo-saarista Kheyraadka dalka, ayaa laga soo dhex-xuli doonaa ciidamada Booliska iyo Milatariga Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo lagu shaaciyey Xeerka madaxweynaha ku abuuray Waaxda Ilaalinta Sahaminta Kheyraadka dalka ee Ciidanka booliska oo sumadiisu tahayย JSL/M/XERM/249-2800/092014, ayaa qornaa sidan:
Madaxweynuhu
Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda ย ย ย ย Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;
Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda ย ย ย ย ย ย ย ย Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee ย ย Ciidammada Qaranka;ย ย
Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011
Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda ย ย ย ย ย ย ย ย Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay ย ย ย ย masโuul ka tahay Dawladda Dhexe.
Markuu Tixraacay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka ย ย ย ย ย ย debiiciga ah iyo ka faaโiidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo ย ย ย ย ย ย ilaalintiisa;
Markuu Garawsaday:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka; ย ย
Wuxuu Goโaamiyey
Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalkaย (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), ย Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.”
Shirkadaha xukuumaddu heshiisyahada kula gashay sahaminta shidaalka iyo kheyraadka oo qaarkood ka hawl-galeen dalka isla markaana ay joojiyeen hawlihii ay wadeen ka dib cabsi ay ka muujiyeen amni-darro ka jirta deegaannada, ayaa xukuumadda shuruud kaga dhigay hirgelin ciidan u gaar ah oo ilaaliya goobaha shidaalka laga baadhayo, shaqaalahooda iyo agabka ay ku shaqaynayaan.
SOMALILANDPOST.NET