Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xeer madaxweyne ku dhaqan-geliyey Xeerka Takaaliifta Hormarinta Waddooyinka oo mudaneyaasha Golaha Wakiilladu maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.
War-saxaafadeed xambaarsan Digreetada madaxweynuhu ku dhaqa-geliyey Xeerka oo caawa ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: โMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2048/092013ย ย kuย dhaqan geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:ย Goโaanka Golaha Wakiillada JSL, Goโaan Lr. GW/G/KF-ย 22/620/2013 ee ku taariikhaysan 24/09/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013.
Wuxuu Soo Saaray
Dhaqan-galka Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.โ
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
ย Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.