Hargeysa, 18 February, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland M.d Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magacaabay masuul cusub oo uu yeelanayo Xafiiska isku-xidhka Qurbe-joogta Somaliland oo uu todobaadkii hore xilka ka qaaday Guddimiyihii hayโaddaas, iyada oo isla markaana maamulkeeda la hoos geeyey wasaaradda Arrimaha Dibadda oo isla maanta wasiirkeedun hayโaddan ku soo kordhiyey xilal cusub oo uu magacaabay.
Warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada isla markaana lagu shaaciyey goโaanka xil-magacaabista ee madaxweynaha ayaa u dhignaa:
โMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahayย 0199/022012ย ku magacaabayย Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland.
Madaxweynuhu:-
MARKUU ARKAY:ย Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, ee xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,
MARKUU TIXGELIYEY:ย ย Ahmiyadda Jaaliyadahaย Somaliland u leeyihiin Dhismaha Qaranka,
MARKUU ARKAY:ย ย ย ย ย baahi loo qabo buuxinta jagadda Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyaddaha Somaliland.
MARKUU KA FIIRSADAY:ย ย Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
MARKUU KU QANCAY:ย ย ย ย ย ย in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
WUXUU GOโAANSADAY
In Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali, laga bilaabo taariikhda ย maanta 18.02.2012 uu ahaado Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha ee Somaliland. Xaafiiskaas oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.โ
Dhinaca kale, war-murtiyeed kooban oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha debedda ayaa lagu xusay magacaabista masuuliyiin cusub oo xilalkoodu ku cusub yihiin hayโadda isku xidhka Qurbe-joogta oo la hoos keenay wasaaradda Arrimaha debedda, Waxaana lagu sheegay in wasiirku uu tallaabadan magacaabista masuuliyiinta u qaaday si uu u dar-dar geliyo hawlaha uu xafiiskani qaranka u hayo.
Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa saddex masuul oo xilal kala duwan xambaarsan u magacaabay xafiiskan kuwaas oo kala ah Cabdi Maxamed Ismaaciil- Guddoomiye ku-xigeen, Jibriil Cali Muuse- Xidhiidhka Debedda iyo Cabdicasiis Axmed Muuse-Agaasimaha Fulinta.
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net