Madaxweyne Obama oo Magacaabay Safiirkii u horeeyey ee Maraykanka u Qaabilsan Soomaaliya muddo rubuc Qarni ah

0

katherineMaraykanka oo dib u furaya Safaaraddiisa Muqdisho

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa magacaabay Safiirkii u horeeyey ee dalkaasi ku yeesho Soomaaliya tan wixii ka dambeeyey Burburkii dawladdii Dhexe ee Siyaad Barre sannadkii 1991-kii.

Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo lagu magacaabo Jen Psaki Salaasadii, madaxweyne Obama waxa uu Safiirka Soomaaliya u magacaabay inay noqoto haweenay lagu magacaabo Katherine S. Dhanani oo hore u ahayd Qunsulka Guud ee Maraykanka u fadhiya magaalada Hyderabad ee waddanka Hindiya.

β€œMagacaabistan oo taariikhi ahi waxay tusinaysaa xidhiidhka sii qoto-dheeraanaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi Afhayeenkan oo intaas ku sii daray. β€œWaxay magacaabistani ka tarjumaysaa horumarka dadka Soomaalida ahi ka gaadheen inay ka soo kabteen dagaaladii iyo xasilooni-darradii ay tobanaanka sanno ku soo dhex-jireen.”

KatherineAfhayeenka u hadlay wasaarada Khaarajiga Maraykanku waxa uu sheegay in dawladdiisu ka rejaynaysa madaxda iyo dadka Soomaalida inay waajahaan dhammaystirka geeddiga dimuqraadiyadda iyo nabadda oo uu sheegay ku imanayso β€œSi dalka Soomaaliya u noqdo waddan horumaray oo barwaaqo ah”.

β€œdawladda Maraykanku waxay diyaar u tahay inay Soomaliya ka caawiso jidkaas ay u marayso horumarka oo aanu saaxiibbo isku-dhow noqonno,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Safiirka Cusub ee dawladda Maraykanku u magacowday Soomaaliya, ayaa hoggaamin doona siyaasadda Maraykanka ee gudaha dalkaas oo wakhtigan laga darawaliyo safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

β€œAnnaga oo eegayna sida ay xaaladda ammaanku noogu saamaxdo, waxaanu rejaynayaa inaanu kordhinno oo kor u qaadno xidhiidhkagaya dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya isla markaana aanu dib u furno safaaradda Maraykanka ee Muqdisho,” sidaas ayuu yidhi Sarkaalkan u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Haweenayda loo magacaabay Safiirka Cusub ee Maraykanka u qaabilsanaan doona xidhiidhka dibloomasiyadeed iyo danaha Soomaaliya, ayaa hor uga soo shaqaysay isla markaana ahay Qulka Guud ee Maraykanka u fadhiya magaaalda Hydrebad ee waddanka Hindiya.

SOMALILANDPOST.NET