Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa dalka ku soo dhaweeyey Taliyaha Hawl-galka Ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) Jeneral Stephen Townsend iyo Safiirka Maraykanka Larry Andre oo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Egal International Airport.
Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada iyo Talieyeyaasha Ciidamada Milatariga iyo Booliska, ayaa kulan la qaatay Saraafiisha Milatariga iyo Safiirka Maraykanka, waxaanay labada dhinac ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka Iskaashiga ammaanka ee labada waddan.
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay kulanka dhexmaray masuuliyiinta dowladda Maraykanka iyo Arrimaha ay wada-hadleen, waxaanu sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee kulanka lagu soo qaatay ka mid yihiin xoojinta xidhidhka labada waddan iyo iskaashiga dhinaca amniga.
Welcomed to Somaliland today General Stephen Townsend, Commander of the U.S. Africa Command (AFRICOM) and Ambassador Larry Andre. Deepening Somaliland-U.S. partnership and security cooperation were among the discussions. pic.twitter.com/WFfGRh5yfh
โ Muse Bihi Abdi (@musebiihi) May 12, 2022
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter ku sheegay, โWaxaan Somaliland ku soo dhaweeyey Taliyaha Hawl-galka Ciidanka Maraykanka ee Afrika Generaal Stephen Townsend iyo Danjire Larry Andre. Waxaanu ka wada-hadalnay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka iyo iskaashiga ammaanka ee Labada waddan,โ Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.
General Townsend ayaa noqonaya sarkaalkii u sarreeyey Milatariga dalka Maraykanka ee socdaal ku yimaadda Somaliland, waxaanu socdaalkiisa daba-socdaa safar uu madaxweynaha Somaliland bishii hore ku tagay dalka Maraykanka, halkaa soo madaxweynuhu kulamo kula qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net