Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegtooyin uu maanta soo saaray xil-ka-qaadis, magacaabis iyo isku beddel ku sameeyey masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa.
Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Sahal Maxamed Jaamac, waxaanu beddelkiisa magacaabay Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Masuuliyiinta uu madaxweynuhu magacaabay waxa kale oo ka mid ah Maxamed Xasan Dirir Maxamuud oo uu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha. Maxamed Xasan Dirir, ayaa hore u soo noqday Xoghayaha Gaarka ah ee guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Waxa uu madaxweynuhu u beddelay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin waxa uu madaxweynuhu u beddelay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhigga oo muddo sannad iyo dheeraad ah bilaa Agaasime ahayd.
Agaasimihii Guud ee Hay’adda Dhowrista Tayada Maxamed Geeddi Caynaanshe, waxa uu madaxweynuhu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Halka Agaasimihii Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dowlaadda Xamse Suldaan Aadan Faarax loo beddelay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net