Madaxweyne Muuse Biixi oo Dhaqanka Xeerarka Kalluumaysiga iyo Qandaraasyada Qaranka

0

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Shirkii Soomaaliya loogu qabtay Brussels iyo Kulankii Farmaajo & FaysalHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-207/102018,Β ku dhaqan-geliyey laba xeer oo kala ah, Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 iyo Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018 Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018.

Β 

Markaan Arkay:Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Β 

Markaan Arkay:Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/808/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Qandaraasyada Qaranka iyo Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/809/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Kalluumaysiga;

Β 

Markaan Arkay:Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Β 

Waxaan soo-saaray;

Β 

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 82/2018. Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL