Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Dalka Maraykanka Joe Biden iyo ku-xigeenkiisa Kamala Harris.
Madaxweynaha Somaliland oo qoraal ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka maanta, ayaa Joe biden iyo Karmala Harris ku hambalyeeyay guusha ay ka gaadheen doorashada Salaasadii la soo dhaafay ka dhacday dalka Maraykanka.
Madaxweyne Biixi waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland oo ah Saaxiib la isku hallayn karo ay diyaar u tahay inay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka kala shaqayso xoojinta Dimuqraadiyadda iyo ammaanka dunida.ย
โAnigoo ku hadlaya Magaca Dawladda iyo Shacabka Somaliland, waxaan Hambalyaynayaa Madaxweynaha la doortay Joe Biden iyo Madaxweyne ku-xigeenka la doortay Kamala Harris,โ sidaas ayuu Madaxweynaha Somaliland ku yidhi qoraalkiisa.
Madaxweyne Biixi waxa uu farriin u diray Madaxweynaha loo doortay inuu hoggaamiyo Aqalka Cad ee Maraykanka.
โSomaliland, iyada oo ah saaxiib la isku halleyn karo iyo xulafo, waxay diyaar u tahay inay kaala shaqeyso dhanka xoojinta dimuqraadiyadda iyo amniga Adduunkaโ, sida ayuu qoraalkiisa ku yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.
On behalf of the Government and the people of the Republic of Somaliland, congratulations to the President-elect @JoeBiden and Vice President-elect @KamalaHarris. #Somaliland, as a reliable partner and ally, is willing to work with you for bolstering democracy & global security. pic.twitter.com/giZqqxoomE
โ Muse Bihi Abdi (@musebiihi) November 8, 2020
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net