Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynahaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey guddiga Arrimaha dibada ee Aqalka Odayaasha (Senate) Maraykanka oo ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan.
Guddiga Arrimaha dibad ee Senate-ka Maraykanka ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin inay qaarada Afrika ka helaan saaxiibbo taageeraya qaddiyada Taiwan, kuwaasi oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo xidhiidh wanaagsan la samaysatay dalka Taiwan.
Guddiga Arrimaha dibaddu waxa uu sheegay in aqoonsiga bulshada Caalamka ee dalka Taiwan uu korayo taasi oo ay jiraan dhibaatoyin kaga imanaya dhinaca Shiinaha.
โMaraykanku wuu ku faraxsan yahay in uu Afrika ku leeyahay saaxiibo ay ka mid tahay Somaliland oo taageera Taiwan. Aqoonsiga iskaashiga Taiwan ee beesha caalamka way ku sii xooganaysaa oo Kaliya khatarta iyo xumaanta ka soo burqanaysa Shiinaha.โ Sidaas waxa lagu yidhi qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha Maraykanka.
The U.S. is grateful to have friends in Africa like #Somaliland who support #Taiwan. Recognition of Taiwanese partnership from the international community will only continue to grow in the face of a dangerous and malign #China. https://t.co/SqpwJynJhe
โ Senate Foreign Relations Committee Ranking Member (@SenateForeign) October 27, 2022
Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka oo ka hadalkooda arrintan ku tilmaamay inay ka tarjumayso xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland Oo Sii wanaagsanaanaya, waxaanu sheegay in Somaliland xidhiidhka Taiwan ka faa’idday Dhaqaale ahaan iyo tignoolajiyad ahaanba, isagoo Madaxweynuhu ku bogaadiyey Taiwan sida wanaagsan ee ay u qiimayso dimlomaasiyada iyo dimuqraadiyada.
โTaiwan iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidh aad u wanaagsan. Waanu ka faa’iidnay xidhiidhka Taiwan dhaqaale ahaan iyo teknoloji ahaanba. Waxaanu la dhacsanahay diblomaasiyaddeeda iyo qiyamkeeda dimoqraadiyadeed.
Senator Risch waad ku mahadsan tahay Taageeradaada iyo inaad inaad Aqoonsan tahay in iskaashi xooggan oo Maraykan iyo Somaliland yeeshaan uu horseedayo horumar laga gaadhoย dhinacyada amniga iyo barwaaqada.โ Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi oo qoraal uu kaga fal-celiyey hadalka Guddiga Arrimaha Dibadda Senate-ka ku baahiyey bartiisa Twitterka.
Taiwan and Somaliland have excellent relations. We benefit from Taiwan economically and technologically. We admire its diplomacy & democratic values.
Thank you @SenatorRisch for your support & recognition that a stronger U.S.-Somaliland partnership advances security & prosperity. https://t.co/FionNpJ1kTโ Muse Bihi Abdi (@musebiihi) October 29, 2022
Madxwaynaha Somaliland waxa uu si gaar ah ugu mahad-celiyey guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Maraykanka James E Risch oo uu sheegay inuu inuu gacan wayn ka gaystay xoojinta Xidhiidhka Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net