Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo furay Shirweyne lagaga hadlayo horumarinta Waxbarashada Mandaqadda Af-Soomaaliga lagaga hadlo

0

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somalilandย  Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay ka furay Caasimadda Hargaysa shir caalami ah oo lagaga hadlayo tayaynta Waxbarashada Carruurta ku hadasha Af-Somaaliga.

Waxaa shirkaas soo qaban qaabisay Hayโ€™adda horumarinta Waxbarashada ee EDC, kaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana ka soo qayb galay Aqoon-yahano, Ururrada bulshada rayidka ah, Jaamacado badan iyo marti-sharaf kale oo ka kala socday Waddamo ka tirsan Mandaqadda geeska Afrika gaar ahaan inta lagaga hadlo Luuqadda Soomaliga.

Waxa ugu horreyn halkaasi ka hadlay Madaxa Bariga Afrika ee Hayโ€™adda horumarinta Waxbarashada ee EDC Mr. kenti benal iyo Madaxa Hayโ€™addaas ee Somaliland Dr.ย  Khadar Bashiir Cali oo sheegay in shirkani uu faaโ€™iido ballaadhan u leeyahay Waxbarashada Carruurta ku hadasha Af-Soomaaliga, waxaanay tilmaameen in shirkan kii ka horreeyay lagu qabtay dalka Malaawi, isla markaana sannadkan loogu xushay Somaliland Nabad-gelyada, nidaamka dawladnimo iyo horumarka ka jira dalkaย  Somaliland.

Madaxda hayโ€™adda EDC waxayย  intaas ku dareen in Somaliland ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta iyoย  horumarinta Waxbarashada, isla markaana ay Hayโ€™ad ahaan wada shaqayn fiican la leeyihiin Xukuumadda Somaliland.

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo si rasmi ah u furay shirkaas caalamiga ah ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay ka qabsoomidda shirka ee Caasimadda Hargeysa. Madaxwayne ku xigeenku waxa uu sheegay muddadii koobnayd ee ay Xukuumaddoodu talada dalka haysay inay ku talaabsatay arrimo wax ku ool ah oo ku wajahan dhinaca Waxbarashada isagoo tusaale u soo qaatay kor u qaadista Waxbarashada Carruurta iyo tayeeynteedaba. Md. Saylici waxa uu xusayย  in ay ka daayeen Fiigii ama lacagtii laga qaadi jiray ardayda wax ka barata dugsiyada hoose/dhexe ee dalka oo dhan, isla markaana ay sameeyeen komishanka Tacliinta sare ee Somaliland u gaar ah.

Ku-xigeenka Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay in saddex dariiq ay sahlayaan in ardaydu ay waxbarasho helaan, kuwaas oo kala ahย  helitaanka goobihii Iskuullada, Macaallimiinta wax ka dhigaysa iyo Siyaasadda Waxbarasho ee lagu maamulayo.

Madaxwayne ku-xigeenku waxa uu u soo jeediyey dhammaanba ka qayb-galayaasha shirkani inay ka faaโ€™iidaystaan xogta ka soo baxda shirwaynahan isagoo u mahad celiyey hayโ€™adda soo abaabushay shirka ee EDC.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadashay furitaankii shirkaas ayaa sheegtay sidii Somaliland looga faaโ€™iidaysan lahaa horumarka ay ka samaysay dhinaca Waxbarashada gaar ahaan sidii ay ku soo bilaabantay iyo heerka ay haatan marayso. Waxaanay Wasiirka Waxbarashada Somaliland gacmo furan ku soo dhawaysay guud ahaanba ka qaybgalayaasha Shirka ee ka kala yimi dalalka kala duwan iyo Hayโ€™adda hawshaa ka qaybqaadatay.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net