Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-035 /012025 uu ku magacaabay Masuuliyiinta Baanka Dhexe, hayโadda shaqaalaha Dowladda iyo masuuliyin kale.
Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed, ayaa loo Magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xamse Cabdiraxmaan Kheyre Coofle waxa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe, halka aasiin Jaamac Axmed Shide (Calase) uu ahaado Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland
Madaxweynuhu wuxuu Guddoomiyaha hayโadda Shaqaalaha Dowladda u Magacaabay Cabdicasiis Xirsi Warsame Geelle, Xasan Xuseen Cabdi (Xaydar) uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Hayโadda Shaqaalaha Dawaladda halka Cabdirashiid Maxamed Warsame loo magacaabay Xubin ka mid ah Guddida Hayโadda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Maxamed Axmed Xasan Jabarti Saadle, Sakariye Cabdiraxmaan Ismaaciil Carraale, Ibraahim Ducaale Boos iyo Mustafe Maxamed Cawil Diiriye ayaa loo Magacaabay inay noqdaan xubno ka mdi ah Guddida Hayโadda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.