Madaxweyne Cirro Oo Daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland oo Ardaydii Ugu tiro-badnayd maanta u fadhiisatay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee Dugsiyada sare iyo Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2024/2025 oo saaka ka bilaabmay inka badan 300 Goobood, waxa ka qayb-qalay ardaydii ugu badnayd oo dhammaystay waxbarashada Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska iyo guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka ayaa imtixaanka si rasmi ah uga daah-furay Hargeysa, isagoo gacantiisa ku qaybiyey nuqullo kamid ah imtixaanka saaka ka bilaabmay dalka oo dhan.

Warkan Oo Faahfaahsan Ka Daawo Muuqaalka Hoose