Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in qorsheyaasha Wax-qabad ee xukuumaddiisa muhiimadda ugu weyn saarayso ay ka mid tahay hirgelinta sidii ay Somaliland u noqon lahayd marin ganacsi oo isku xidha dalalka Geeska Afrika.
Madaxweyne Biixi, waxa uu sheegay in muddada uu xilka hayo uu Qaranka Somaliland uga faa’idaysan doono marinka istaraatajiga ah ee ay ku taalo oo muhiim u ah isku xidhka ganacsi ee dalalka mandaqadda iyo Isu-socodka maraakiibta kala duwan ee caalamku.
โHorta Somaliland waxay ku taala meel dhaqaale ahaan adduunkaย istaraataji ah, markaas waxaanu doonaynaa badaas cas ee caalamku inta ugu badan isaga goosho ee uu maro, inaanu qaybta u weyn ee halkaas maraysa u shaqayno, maraakiibta badda maraysa ee baayac mushtarka ah ee dalxiiska ah ee ciidanka ah waxay naga doonayaanย ee ay u baahanyihiin ee adeeg ah inaanu u qabano anaguna aanu faaโiido ka helno,โ ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo u waramay Somaliland Now.
Madaxweyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, โSomaliland waxay haysaa nabad. Qof baqanayaa ma wax ayuu kula qaban, waxaanu ogolnahay inaanu samayno beeโad uu baayac mushtarkiisu ku socon karo haddii uu maalgeliyo uu xoolihiisa la bixi karo, imika garoonka Berbera aya dhammaaday wuxuu noqonayaa caalami, waa 4km tas-hiilaadka ugu weyn ee Geeska Afrika weeye, waxaanuย u samaynaa tas-hiilaad;ย dhaqaale ahaan, sharciyada cashuuraha iyo caqabadaha oo dhan inaanu khafiifino.โ
Ugu dambayn, Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay qorshaha xukuumaddiisa ee ku wejahan arrinta, โMarkaas inaanu biriishkaas noqono, oonu u weel tolano oo aanu noqono Hab (Marin) ayaanu u diyaar garoobaynaa, dadkayaga maskaxdoodiina taas ayay diyaar u tahay,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.
@GeeskaAfrika