Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Khasaare ka dhashay Roobabkii Caawa, soona kormeeray Goobaha Khasaaruhu Ka Dhacay (Muuqaal + SAWIRRO)

0

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobab mahiigaan ah oo caawa ka daโ€™ay dalka gaar ahaan caasimada Hargeysa, waxaana inta la ogyahay roobabkaas ku geeriyooday shan qof oo isugu jira 4 rag ah iyo haweenay, halka ay sagaal kalena ku dhaawacmeen.

 

Madaxweynuhu waxa uu caweysinkii caawa kormeer ku tegay goobaha khasaaruhu ka dhacay, isagoo kormeer ku soo indho-indheeyey guud ahaan waxyeelada magaalada roobku gaadhsiiyey.

Madaxweyne Biixi waxa uu tacsi u diray ehellada iyo qaraabada ay ka baxeen Shanta Marxuum ee geeriyooday.

 

MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO HADALKA MADAXWEYNAHA IYO KORMEERKA UU SAMEEYEY