Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray Isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Xukuumaddiisa, waxaanu xilalka ka qaaday masuuliyiin ay ku jiraan wasiirro iyo Agaasimayaal halka uu sidoo kale magacaabay wasiirro iyo Agaasimeyaal Cusub.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xilalkii ka qaaday Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray), Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Cali Xuseen Nuur Beegsi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi, Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf, Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare Xuseen Xaaji Xasan Guuleed, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare Maxamed Xasan Sheekh Muumin.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu magacaabay masuuliyiin ku cusub xukuumaddiisa halka qaarkoodna uu xilal kale u magacaabay.
Waxa kale oo madaxweynuhu wareegtadiisa ku sheegay “In laga bilaabo taariikhda maanta aan Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
- Wasiirka Wsaaradda Horumarinta Beeraha Guddoomiyaha Guddida Sare ee Mac’hadka
- Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Hargeysa Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
- Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Camuud Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
- Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Burco Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
- Madaxa Waaxda Cilmi-baadhista ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
- Dr. Aadan Cilmi Yuusuf Agaasime Fulinta ee Mac’hadka
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu magacaabay Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka kuwaas oo kala ah
- Saleebaan Dirir Cabdi, Guddoomiye
- Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Duse), Guddoomiye Ku-xigeen
- Axmed Muuse Muruud Muxumed Agaasimaha Guud ee Guddida Tacliinta Sare
- Dr. Maxamed Cabdillaahi Dagaal Xubin
- Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Xubin
- Yuusuf Maxamed Cabdi Xubin
- Xamda Cabdi Faarax Xubin
Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu magacaabay Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka, kuwaas oo uu go’aamiyey inay xubno ka noqdaan masuuliyiinta hoos ku qoran:
- Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Guddoomiye
- Sahra Aadan Yuusuf Xirsi Guddoomiye Ku-xigeen
- Cabdiraxmaan Muuse Cabdi Cali Agaasime Guud
Waxa kale oo uu madaxweynuhu magacaabay Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka kooban 5 xubnood, kuwaas oo kala ah:
- Faysal Sahal Jaamac Siciid – Guddoomiye Ku-xigeen
- Cumar Sheekh Cabdillaahi Ciise – Xubin
- Cabdifataax Maxamed Axmed (Dayib Guray) – Xubin
- Siciid Jaamac Raabbi Xubin
- Maxamed Axmed Xasan Jabarti – Xubin