Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto uu soo-saaray ku meel-mariyey wakhtiga ay Guddiga Doorashooyinku u cayimeen Qabsoomidda Doorashooyinka isku Sidkan ee madaxtooyada iyo Axsaabta Siyaasadda.
Guddiga Doorashooyinka ee Qaranka, ayaa go’aan ay shalay soo saareen ku muddeeyey in Doorashooyinka Isku-sidan ka qabsoomi doonaan dalka 13-ka bisha November Sannadkan 2024.
Wareegtada Mudane Muuse Biixi soo saaray oo xambaarsan Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024, ujeeddadeeduna tahay Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka, ayaa u qornayd sidan:-
βMarkaan Arkay:Β Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay:Β Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;
Markaan Helay;Β Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;
Waxaan Soo-saaray;
In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.β Sidaas ayay u dhignayd wareegtada madaxweyne Muuse Biixi oo lagu faafiyey war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net