Madaxweynaha Turkiga oo soo bandhigay Caddaymo uu ku tirtiray Taariikh Reer Galbeedku Guusheeda ku faanaan

0

Ankara (SLpost)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dunida Islaamku uga horeysay Daah-furka Qaaradda Latin Ameerika waddamada reer Galbeedka oo sheegta inay taariikh ahaan ugu horeeyeen helitaanka qaaradda 300 sanno horteed, wakhtigaas oo sida ay sheegaan uu daah-furay sahamiyihii reer Spain ee lagu magacaabi jiray Christopher Columbus.

ReccepMadaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo Sabtidii todobaadkan ka hadlay shir-weyne uu ku marti-qaaday hoggaamiyeyaasha waddamada Muslimka ah ee qaaradda Latin Amerika, waxa uu sheegay in sahamiyeyaal Muslim ah heleen qaaradda Latin Amerika sannadki 1178-kii, Masaajid-na ka dhiseen Jasiiradda CUBA ee Latin Amerika isla markaana uu Christopher Columbus laftigiisu ku arkay masaajidkaas markii uu daah-furay qaaraddaas 1492-kii.

โ€œXidhiidhka ka dhexeeya Latin America iyo Dunida Islamku waxa uu bilaabmay qarnigii 12aad.Muslimiinta ayaa daah-furtay America sannadkii 1178-kii, muu ahayn Columbus ciddii u horeysay ee heshay,โ€ sidaas waxa yidhi Madaxweyne Erdogan oo la hadlayey hoggaamiyeyaasha waddamada Muslinka ah ee Qaaradda Latin Amerika oo shirweyne uga furmay waddanka Turkiga.

โ€œSahamiyeyaal Muslimiin ah ayaa tagay America 1178-lkii. Columbus qudhiisu wuu sheegay jiritaanka masaajid ka dhisan meel buur ah oo ku taala xeebta Cuba,โ€ ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan.

โ€œWaxaan jeclaan lahaa inaanu kala hadlo walaaladayda Cuba oo Qiri doona Masaajidka ka dhisan goobtaas,โ€ ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Turkiga.

Haseyeeshee, warbaahinta reer Galbeedka ayaa hadalka madaxweyne Erdogan u fasirtay qorshe uu xidhiidh kula samaysanayo waddamada Qaaradda Latin Amerika, iyaga oo taas daliil uga dhigtay inaanay jirin xusuus-qor uu Columbus diiwaankiisa taariikheed kaga tagay Masaajid uu ku arkay waddanka Cuba markii uu gaadhay jaziiraddaas bilowgii qarnigii 15aad.

SOMALILANDPOST.NET