Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray wuxuu xilka kaga Qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka-sida Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan.
Wareegtada madaxweynaha oo lagu faafiyey war-saxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay, waxa uu mudane Muuse Biixi Cabdi isla maanta magacaabay beddelka sarkaalka xilka laga qaaday, waxaanu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka-sida u magacaabay Gaashaanle Sare Cabdi Cali Xayd Raage.
Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan, waxa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka-sida loo magacaabay 22-kii February, 2018-kii xilligaas oo ahayd bilowgii dhismaha Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi kaddib doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay November 2017-kii.
Madaxweyne Biixi ayaa xilligaas magacaabay 7 Sarkaal oo isaga kala sarreeya Maxkamadaha Ciidamada Qalabka-sida, kuwaas oo isugu jiray Guddoomiyeyaal, Garsooreyaal iyo Xeer-ilaaliye Guud iyo xeer-ilaaliye ku-xigeen.
Toddobada Sarkaal ee madaxweyne Biixi xilligaas isku-marka u magacaabay Maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka-sida, waxay kala ahaayeen:-
- Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan = Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- Gaashaanle Sare Siciid Xasan Maxamed = Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- ย Gaashaanle Dhexe Ibraahin Maxamuud Guuleed = Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Aagga Bari.
- Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Carraale = Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- Gaashaanle Yaasiin X. Cali Maxamuud = Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- Gaashaanle Dhexe Fuโaad Raage Maxamed Xirsi = Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka.
- Gaashaanle Khadar Cali Maxamuud = Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidammada Qaranka.