Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shacabka iyo Dowladd Jabuuti ku hambalyeeyey 42-guurada Xuska Maalinta Xornimada ee dalkaas oo ku beegan Caawa oo kale 27-ka Bisha June oo looga dabbaal-dego sannadkasta.
War-qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 42-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ku beegan caawa, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhsiiyo.
Madaxweynuhu waxa uu mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Jabuuti xornimada iyo horumarka 42 jirsaday ee ay u dabaal-degayaan caawa, isagoo u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net