Madaxweynaha Somaliland oo Masuuliyiin Dumar u badan u magacaabay Wakiillada dalal kala duwan oo Dunida ah

0

[H]argeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa magacaabay Wakiillada Somaliland u fadhiyi doona dalalka Norway, Sweden, Canada, Kenya, Ingiriiska, Faransiiska iyo Wakiilka Wareega ee Somaliland.

War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa lagu faahfaahiyey Wareegtada magacaabista Madaxweynaha iyo magacyada Xubnaha uu jagooyinkaa u magacaabay. Waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:

โ€œMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1077/052012 ku magacaabay wakiilada Somaliland u fadhiyi doona INGIRIISKA (UK), Canada, Norway, France, Sweden, Kenya iyo Danjiraha Wareega ee Somaliland.

MADAXWEYNUHU :-

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka INGIRIISKA (UK), CANADA, NORWAY, FRANCE, SWEDEN, KENYA IYO iyo In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large);

Markuu Ka Fiirsaday:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Kartidooda, aqoontood iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku qancay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu goโ€™aansaday

1. ย In Mudane, Cali Aadan Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom).

2. ย In Marwo, Luula A. J. Ismaan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Canada.

3. ย  In Mudane, Sulub Warsame Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway.

4. ย In Mudane, Cali Ismaaciil Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka France.

5. ย  In Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Sweden.

6. ย In Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

7. ย In Mudane, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).โ€

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net