Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabayย Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hayโadda Caymiska Qaranka.

Guddida madaxweynuhu u magacaabay Hoggaaminta Siyaasadda Hayโadda Caymiska Qaranka oo ka kooban Toddoba Xubnood oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, waxaana xubno ka ah Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir Guddoomiyaha Hayโadda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari, Abuubakar Sh Maxamuud Cabdi oo ah xubin ka tirsan Ururka Qareennada Somaliland, Maxamuud Nuur Ducaale oo ka tirsan Dalladda Shirkadaha Caymiska, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali.
Hayโadda Caymiska Qaranka ayaa xukuumadda Somaliland aasaastay sannadkii hore, waxaana xeerka lagu aasaasay oo tirsigiisu yahay ย Xeer Lr. 92/2020 uu dhigayaa in la magacaabo guddi u xil-saaran hoggaaminta siyaasadda Caymiska Qaranka marka laga yimaaddo xubnaha Guddiga maamaulka Hayโadda Caymiska Qaranka.