Madaxweynaha Somaliland oo Goโ€™aan ka soo saaray Hantida Guud ee Qaranka

0

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta goโ€™aan ka soo saaray cidda xaqa u leh inay goโ€™aan ka gaadhi karto Hantida Guud ee Qaranka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha oo lagu soo koobay qodobadda uu madaxweynuhu u cuskaday goโ€™aankiisa iyo amarka uu siinayo hayโ€™adaha ku shaqo leh inay ka hawl-galaan shaqada ay xaqa u leyihiin ayaa u dhignaa sidan.

โ€œMadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo);

Markuu Arkay:ย  ย ย Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Markuu Arkay:ย  Qodobka 12aad, Farqadiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Markuu Arkay:ย ย ย  Qodobka 2aad, Farqadiisa 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka, Magaalooyinkaย  Jamhuuriyada Somaliland Xeer No. 17/2001

Markuu Ka war helay:ย ย  In Guryihii Dawlada Boob lagu hayo oo dad kala iibsanayo qaarna ay isku dayeen in ay Mulkiyado u samaystaan

Wuxuu soo saaray Goโ€™aankan:-

Guryaha Dawladda, Dhulka Dawlada iyo Dhulka Danta Guud waa hanti qaran, waxaana Awood sharci u leh iibintiisa, Bixintiisa, Kirayntiisa, dawladda dhexe.

Waxaana Reeban in cid gaar ah Mulkiyad iyo lahaansho gaar ah loogu sameeyo.

Goโ€™aankanย  waxa uu madaxweynuhu faray Hayโ€™addaha ku shaqada leh inay waajibkooda ka gutaan meel marintiisa.โ€