Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 16/122021 uu ka soo saaray Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya ee qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in xukuumadda oo kaliya oo metalaysa Shacabka Somaliland ay ka qayb-gali karto shirarka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, sidaas awgeedna aan cid kale loo oggolayn inay sifo uun kaga qayb-gasho ama ku lug yeelato arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Xeerka madaxweyne Muuse biixi ka soo saaray oo ka kooban Afar Qodob, waxa uu ku sheegay in cid kasta oo ka hor timaadda goโaankii ay labada gole baarlamaan hore uga soo saareen ka-qayb-galka Arrimaha siyaasadda Soomaaliya loo arkayo inuu ku kacay khiyaamo Qaran, waxaanu hayโadaha ammaanka ee ay khuseyso ku amray inay tallaabo sharci ka qaadaan cid kasta oo lagu helo fal-dambiyeedkan.
Md Muuse Biixi waxa uu sheegay inaanay jiri doonin saamaxaad loo fidinayo Qof kasta oo meel kaga dhaca goโaankii labada Gole baarlamaan ilaa la horgaynayo Maxkamad horteed, xukun-na ku dhacayo.
Xeerka Madaxweynuhu soo saaray oo sumaddiisu tahay Xeer Madaxweyne Lr. 16/122021 ayaa u dhignaa sidan:-
โMamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya
Markaan Arkay: Goโaanka Labada Gole (Guurtida iyo Wakiillada) ee summaddiisu tahay JSL/GB/O1/10/2003, kuna taariikhaysan 11/10/2003, ujeeddadiisuna tahay mamnuucidda ka-qayb-qaadashada siyaasadda Soomaaliya;
Markaan Arkay: Degreeto Madaxweyne No: 213/2003 ee ku taariikhaysan 29/10/2003 ee lagu baahinayey goโaanka ay wada-jirka ku soo saareen labada Gole Qaran ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada);
Markaan Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan ku Qancay:ย ย ย ย ย In ay tahay Dambi Khiyaamo Qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Goโaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland;
Waxaan Soo Saaray;
1) Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Goโaanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Goโaanka Labada Gole.
2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Goโaankaย labada Gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.
3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Goโaanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin.
4) Dhammaan hayโadaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Goโaanka Labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.โ
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net