Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo saaka ka amba-baxay Magaalada Hargeysa, ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa.
Madaxweynaha Somaliland waxa madaarka caalamiga ah ee Bole international Airport kusoo dhaweeyey saraakiil sarsare oo ka socota dawladda Ethiopia, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda dawladda Federal-ka Ethiopa, Mudane Axmed Shide iyo wasiirudawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Mr. Redwan Hussein.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Mr. Abiy Ahmed, ayaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, waxana loo gudbiyey qolka VIP-da ee madaarka, halkaas oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen, waxana intaas kaddib lagu gelbiyey gaadiidka lagu soo dhaweeyo wufuudda dalkaas timaadda, kuwaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa u qaaday goobtii loogu talo galay.
Madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona saraakiisha ugu sarraysa ee dawladda Ithiopia muddada ay safarka ku joogaan caasimadda Addis Ababa.