Hargaysa(SLPOST)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta Qalinka ku duugay digreeto uu ku Dhaqan-gelinayo xeerka Aasaasidda Guddida Hoggaaminta Diiwaan-gelinta Muwaadinka iyo Guddi Hawleedkeeda.
Digeertadani uu Maanta Madaxweyen Siilaanyo ku saxeexay Xeerkani ayaa waxa lagu faafiyey War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul), War Murtiyeedyadaasi ayaa u dhignaa sidan:-
Markuu Arkay: Qodobka 3aad ee Xeerka Jinsiyadda, Xeer Lr. 22/2002 oo waajibinaya in muwaadiniintu helaan aqoonsiga muwaadinimo;
Markuu Tixgeliyay: Siyaasadda Golaha Wasiirradu ansixiyeen ee ay ku go’aamiyeen in la sameeyo Diiwaangelinta muwaadinka;
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la helo Diiwaangelinta muwaadinka oo laga sameeyo Dalka oo dhan si loo helo xog sugan;
Markuu Yaqiinsaday: In Diiwaangelinta Muwaadinka ay udub-dhexaad u tahay isla markaana fudaydinayso in la helo diiwaangelinta codbixiyaha oo u gogol xaadhaysa in la helo doorasho xor oo xalaal ah;
Markuu Xaqiiqsaday: In ay tahay daruuri in la sugo muwaadiniinta reer Somaliland si loo xaqiijiyo in ay codeeyaan muwaadiniinta oo keliya;
Markuu Garwaaqsaday: In la dardar-geliyo loona qabto hawsha Diiwaangelinta Muwaadinka si dhaqso ah;
Isagoo Maanka ku Haya: Ahmiyadda doorashooyinku ku leeyihiin Qaranka iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho xor oo xalaal ah;
La socodsiinta iyo uga warbixinta Guddida Hoggaaminta Diiwaangelinta habka ay u socoto Diiwaangelintu.
La socodsiinta iyo uga warbixinta Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka caqabadaha farsamo ee soo foodsaari kara hawsha diiwaangelinta iyo soo jeedinta talooyinkooda la xidhiidha caqabadahaa.
Qodobka 7aad
Xarunta Guddiyada
Labada Guddi waxay ku hawlgalayaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo udub-dhaxaad u ah hawsha diiwaangelinta.
Qodobka 8aad
Dhawridda Xilliga iyo Nidaamka
Guddiyada waxaa la farayaa in hawsha lagu qabto wakhtiga loo qorsheeyey lana raaco Nidaamka Guddida Qandaraasyada Qaranka iyadoo la dhawrayo hanaanka iyo habsami u socodka shaqada.