Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo saaka ka amba-baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ayaa gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi oo soo dhaweyn hab-maamuus sare leh loogu sameeyey.
Md Muuse Biixi iyo weftigiisa waxa gegida diyaaradaha ee JKIA ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee dalka Kenya.
Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa ayaa booqoasho muddo saddex maalmood qaadanaysa ku joogi doona dalka Kenya, waxaanu madaxweynuhu Isniinta Berri la kulmi doonaa dhiggiisa dalka Kenya Uhurru Kenyatta, sida lagu sheegay qoraal ay wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ku baahisay barteeda Twitter-ka.
President of Somaliland, Musa Bihi Abdi arrived in the Country this afternoon. He was received by CS Munya and CAS Hon @AbabuNamwamba. H.E Musa Abdi will hold talks Monday with H.E President Uhuru Kenyatta on mutual interests. pic.twitter.com/8RdRsF7Oq6
— ForeignAffairsKenya (@ForeignOfficeKE) December 13, 2020
Kulanka labada madaxweyne ayaa la filayaa inay kaga wada-hadlaan arrimo khuseeya dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo iskaashiga shacabka labada waddan, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.
Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta dalka Kenya qaarkood, arrimaha ay labada hoggaamiye kulankooda kaga wada-hadli doonaan waxa ka mid ah sidii ay shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways duullimaad uga bilaabi lahayd Somaliland.
Safarka ayaa noqonaya kii u horeeyey ee madaxweyne Muuse Biixi ku tago dalka Kenya tan iyo markii uu la wareegay hoggaaminta talada dalka bishii December 2017-kii.
Socdaalka madaxweyne Biixi ayaa noqonaya markii labaad ee hoggaamiye ka socda Somaliland oo marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya uu booqdo dalkaas, waxaana ka horreeyey socdaal madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ku tagay halkaas 2006-dii isagoo la kulmay madaxweynihii hore ee Kenya Moi Kibaki.
This is the second visit by a Somaliland leader following a similar one by President Kahin Riyale Kahin in 2006. Somaliland is an important partner in the Horn of Africa region in the fight against terrorism and particularly Al-Shabaab.@BreakingNewsKE@TheStarKenya @NTVnewsroom pic.twitter.com/9gv4TsW9bj
— ForeignAffairsKenya (@ForeignOfficeKE) December 13, 2020
“Somaliland waa saaxiib muhiim ah oo ku yaalla Geeska Afrika oo aanu iska kaashanno dagaalka lagula jiro argagixisada gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.” Sidaas waxa lagu sheegay qoraal ay wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ku baahisay bartooda Twitter.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net
[…] Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ay Isniinta […]
Comments are closed.