Madaxweynaha Somalia oo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Debedda ee dalkaas ugu Magac-daray Marxuum Axmed Aadan Qeybe

0

xasan sheekh maxamuudMuqdisho (SLpost)- Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, dibloomaasiyiin iyo masuuliyiin kaleย  ooย  lagu xusayeyย  Marxuum Danjire Axmedย  Maxamed Aadan Qeybe, ayaa caawa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhammmaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka oo qaarkood hadalo jeediyey ayaa ku dheeraadayย  Taariikhdii Alle ha Naxariistee Marxuumย  Axmedย  Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaaliya iyagoo tacsi u diray ehelada Marxuumka, islamarkaana tilmaamay in Marxuumku ahaa qof aad u jecel midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ย Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Eebbe uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, โ€œWaxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad kulahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u qidmeynayeyย  Umaddaย  Soomaaliyeed.ย ย  Allaah Naxariistii Janno hasiiyo, Samirย  Allaah haka siiyoย  ehelada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed,โ€ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

โ€œCaawa waxaan u joognaa xuskaย  Marxuum Axmed qeybe, xusuustiisaย  si aanu jirsiino mar-walbaย  waxaan caawa halkan ka soo jeedinayaaย  maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay dibloomaasiyadda inย  xarunta Wasaarada Arrimahaย  Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka bilowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaraddaย  dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaanย  Qeybe yuu ahaaย  ka dibna Taariikhdiisa iyo waxqabkiisaย  u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ahโ€ ayuu yidh Madaxweyne Xasan Sheekh.

Marxuum Axmed Aadan Qeybe oo intii Somaliland madax-bannaanida kala soo noqotay Somaliya ku noolaa magaalada Hargeysa, ayaa ahaa Guddoomiyihii Baarlamankii Habka Beelaha ku Dhisnaa ee Somaliland, waxaanu todobaadkan ku geeriyooday Aas Qaran-na loogu magaalada Hargeysa, iyada oo Jinaasadda Marxuumka uu ka qayb-galay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

SOMALILANDPOST.NET