Madaxweynaha Jabuuti oo Qaabilay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

0

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland,kadib markii uu mart-qaad ka helay.

Lama oga, xildhibaankuna ma sheeegin Ujeedadda rasmi ah ee safarka uu ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti oo u muuqday mid qarsoodi ah.

Xildhibaan Barkhad Batuun ayaa ka hadlay kulanka foolka foola ee uu la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu yidhi

โ€œMadaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismail Omer Gelle waxa aan uga mahadcelinayaa in uu igu qaabilay Qasriga Madaxtooyadda Jabuuti isaga oo Aqlabiyaddii shacabka sharafta leh ee Reer Somailand uga mahad-celiyey codkii faraha badnaa ee ay igu doorteen.

Salaan milgo iyo maamus huwan ayaan Madaxweynaha idinka gaadhsiiyey shacabkaygii xariirta ahaayow.โ€

Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka mid ah 82 -Xildhibaan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa noqday Xildhibaankii ugu codka badnaa Golaha Wakiillada, isaga oo helay in ka badan Labaatan kun oo cod.

Somalilandpost.net

contact@somaliland