Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadlay muwaadinka udhashay Dalkiisa ee G/kacyo lagu dilay Shalay

0

Paris (SLPOST) Madaxweynaha wadanka Faransiiska Francois Hollande oo xafiiskiisa magaalada Paris kasoo saaray war saxaafadeed ujeedkiisu ahaa cambaareynta falkii shalay magaalada G/kacyo loogu geystay 2 ruux oo cadaan ahaa midkoodna u dhashay dalka Faransiiska ayaa waxaa uu falkaasi ku tilmaamay mid aragagixisinimo.

Francois-Hollande-affair-453851-500x296

Madaxweyne Francois Hollande waxaa uu sheegay in weerarkii lagu dilay shaqaalaha Q,M ay ka dhigan tahay inay ka dambeeyeen shaqsiyaad uu ku tilmaamay inay nabada Soomaaliya diidan yihiin.

โ€œWaxaa uu ahaa weerar aragagisixinimo oo fulaynimo waana u tacsiyadeynayaa ehelada labada marxuum ee Q,M u shaqaynayayโ€ ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu soo saaray M/weynaha Faransiiska Sidoo kale M/weyne Hollande waxaa uu ugu dambeyn sheegay in weerarkii shalay G/kacyo ka dhacay aanu ka baajin doonin in dadka u dhashay Faransiiska iyo dawladahaba ay ka shaqeeyaan Soomaaliya oo imiks ย ay xaaladiisu soo hagaagayso.

Weerarkii shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada G/kacyo ee lagu dilay laba ruux oo ajanabi ahaa una shaqeynayay Q,M ayaa masโ€™uuliyiinta amaanka Puntland ay sheegeen inuu fuliyay ruux madaxa looga jiray hase ahaatee la qabtay.