Todobaadyadii lasoo dhaafayey ayey wadankaasi aljeeriya ka dhaceen banaanbaxyo shacabka uga soo horjeedaan in Madaxweynaha xilka hayo uu markale kamid noqdo murashaxiinta doorashada ku tartamaya.
Cabdicasiis Butafaliika ayaa xiligan ah 77 sano jir, waxaana la sheegay inuu la ildaran yahay xanuun dhanka wadnaha ah, Madaxweynaha ayaa wadankaasi Aljeeriya kasoo talinayey muddo 17 sano ah. Madaxweynaha Aljeeriya ayaa tan iyo sanadkii 2012 goob fagaare ah kala hadlin shacabkiisa, waxaana qoraal uu soo saaray Axadii lasoo dhaafay shacabka u akhriyey Wasiirka Cadaalada Dayib Luux.