Madaxweye Biixi Oo Wareegto ka Soo Saaray Qodobbada Soo Jeediyeen Odayaasha Dhaqanka Bariga Burco

0

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan aqbaleen qodobbo ay soo saareen Golaha Dhaqanka ee Beelaha Bariga Burco oo isu-xilqaamay Dhexdhexaadinta khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Somaliland oo maanta soo saaray wareegto uu ku socodsiiyey Shir-guddoonka Labada gole Baarlamaan, kuna ogeysiiyey Guddiga Doorashooyinka, waxa uu sheegay inay soo jeedinta Odayaasha u tixgeliyeen wada-tashiga iyo xaaladda guud ee dalka, waxaanu faray Goleyaasha Sharci-dejinta inay soo jeedinta Odayaasha ay waafajiyaan xeerarka Doorashooyinka Dalka.

“Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka

Mudaneyaal,

Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.

Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka.โ€ Sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegtada.

Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Bariga Burco oo xalay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu madaxweynuhu ka aqbalay qodobbada ay soo jeediyeen, waxaanay u Mahad-celiyeen madaxweynaha iyo madaxda axsaabta mucaaradka oo si weyn u soo dhaweeyey goโ€™aamada ay Odayaashu soo saareen.

Ergada ayaa soo jeediyey in la mideeyo doorashooyinka, isla markaana doorashada Ururrada Siyaasadda oo u muddaysnayd November 2023-ka iyo ta madaxtooyada oo u muddaysnayd November 2024, hal Mar la wada qabto 13 November 2024.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net