Taariikhda madaw iyo firix dhabadka u danbeeya ee isku si naftu uga baxdo ayaa u ah calaamad lama ilaawaan ah
Dharaaraha dhuunyeedhiska lagana yaqaano maalmaha qorraxdu ifkan u soo baxday lana soo dhaafay
Tababare Maxamed Siyaad Barreย casharradii uu sii bixiyay ayay weli kusii tasbiixsanayaan guulwadayaasha kasii jooga rajiimkii godka madow ku riday dadka iyo dalka mid walibana wuxuu maalinta dhimashada maamulkiisa sii aasaa ugxanta dhagaxa ka sii hoosaysa dilaaceeduna wakhtiga qaadanayo
Dadka iyo dalkuba waxay baahiwayn u qabaan wax qabad muwaaddin umase baahna wax qabad danayste eel reeba
Bare sare Maxamed siyaad barre liiqliiqadkiisii wuxuu iska daba tuuray sarrifka gobolo hore u jiray inuu kasii gooyo gobollo uu ku madaxย madax salaaxayo sidoo kale ujeedo gaar ah isagu ka lahaa
Gebogebadii dhuunyeedhiska
Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku hanbabaray qararacdii (Udub) codka galgaladka nafka baxa ah ayaa keenay sarrifka mar labaad lagasii jajabiyo gobolo iyo degmooyin shacbiga madaxa la isugu sii geliyo waa intaasoo sakaraadku isu bedelaa nasiib aakhiro ka wardoon ah
madaxwayne siilaanyo tan iyo maalintii reer adhicadeeye qasriga madaxtooyada kusii gelbinayeen ma maanta ayuu tebay?
Haduu tebay se ma wuxuu ku xusay magacooda adhicadeeye waa degmo?
Waanu ogayn oo waa degmo anagaana ka dhignaye miyaadan madaxwayne ogayn awel?
Hadaadan ogayn bal madaxwayne sidaa la soco adhicadeeye anagaa ku filane
Wiilwaal baa laga sheegay dibiga iyo weedha maxaa kulmiyay
Tolow dhuunyeedhiska kulmiye iyo weedha maxaa kulmiyay?
Maanta waxaa laga wada dheregsanyahay tubta uu kulmiye marayo iyo galgaladka naf ka dhawrka ah reer adhicadeeye maaha kuwo lagu maaweelinayo ama loogu madax buuxinkaro
Go’aanka dadka reer sool waa meel
Guulwadaha hore ayay u diideen
Wakhtigii jeebka dilaalka la gelinjirayna maaha maanta
Waxaan xasuustaa tix uu lahaa halgamaagii (usc)
Geelle ismaaciil macalin ibraahim
Jeestada ninkii taag yar baa taakulayn bida’e
Sida tabihi beelleey u dheel tabihi caydiide
Taageerayaashii la kece tii alliyo guule
Tadoba iyo eber looga badi tuugadii sulux
Runtii geydha soodhacaysaa haddiiba ay asqaysiisay kooxda ina biixi odayguna nagula soo galgashay waanu ka xunahay reer adhicadeeye ahaan
Taariikhda maanta ah
Tartan kuma haboonee
Ka u taagan baa mudan
Tab kastaaba xeel lehe
Dhaliyuhu tilmaan lehe
Tahniyad laacib kaa mudan
Qalinka
Abdijibaar Aaden Gaas