Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay go’aanka sii-deynta Abwaanad Naciima Qorane oo maanta dib u heshay xorriyaddeeda kaddib markii lagu sii daayay Cafis madaxweyne Muuse Biixi u fidiyey.
Naciima Qorane oo lagu eedeeyey inay ku kacday falal liddi ku ah qaranimada Somaliland, isla markaana dhowaan maxkamaddu ku xukuntay 3 sanno oo xadhig ah, ayaa maanta laga sii daayay Xabsiga haweenka ee magaalada Gabiley oo ay kuย jirtay dhowrkii bilood ee u dambeeyey.
Haddaba, afhayeenka madaxweynaha Somaliland oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aanka madaxweynuhu cafiska ugu fidiyey Naciima Qorane.
DAAWO MUUQAALKAN HOOSE
https://www.youtube.com/watch?v=i_p8gudQ9F4