Hargeysa, (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland ayaa markii ugu horreysay iska fogaysay eedaymo loogu soo jeediyey inay daaha dabadiisa ka hagayso furitaanka Ururro siyaasadeed oo maal-gelintooda ay leeyihiin, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda ee Madaxtooyada Somaliland.

Warsaxaafadeedkan madaxtooyadu isku difaacayso oo uu ku saxeexan yahay Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Madaxtooyada Md. Bashiir Cabdi Xariir (Gabbad), waxa lagu sheegay inaanay xukuumaddu wax taageero ah ku lahayn furintaanka Ururrada siyaasadeed ee muddooyinkii ugu dambeeyey dalka lagaga dhawaaqayay.
Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan:
โMa jirto Ururo siyaasadeed oo ay Madaxtooyada Somaliland si gaara u taageerayso Furitaankooda sida ku soo baxday Saxaafada Qaarkeed ย Wararkaasi sal iyo Raatoona malaha
Xukuumada way usiman yihiin ururada cusubย ee hada la furayaa, sidii ay xukuumadu horeba u balan qaaday, waxaanay halkan ku beeninaysaaย hadalada Malaโawaalka ah ee umada lagu jaho -wareerinayo ee ku saabsan in xukuumadu gacansaar la leedahay Ururada qaar kood.
Waxa aan cidna ka qarsoonayn in ay xukuumadu ka soo jeedo xisbiga talada haya ee kulmiye oo aanay u baahnayn xisbi / urur kale oo ay ku tiirsato.
Weftigii Xukuumada ee Dhawaan Burco tegay oo aan ka mid ahaa ย waxa ay hawshoodu ahayd ka qaybgalka Munaasibada Ciidal Od-xa ooย ay bulshadooda Gobolka Tog-dheer kala qayb galeen , manay jirin cid ku lug leh hawlo ururo siyaasadeed oo ay la kulmeen ama Xaflado ay ka qayb galeen.
Waxanan umada uga digayaa in aanay u dhegtaagin wararka aan la hubsanย ee ay baahiyeen saxaafada qaarkood oo aan ka fiirsan hadalada waxyeeli kara Mil-gaha Saxaafu lahaan jirtay, oo Meel ka dhac iyo cebayna ku ah Masuuliyiintaย qaranka ย xilka u haya Umadoodana u adeegaya.โ
Bashiir Cabdi Xariir
Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasadda, Xidhiidhka
Goleyaasha iyo Dadweynaha ee Madaxtooyadda JSL.
Somalilandpost.net
Contact@somalilandpost.net