Hargeysa, 15 March, 2012 (SLpost)- Xubno ka mid ah Madax-dhaqmeedka reer Somaliland oo Shir jaraaโid Maanta ku qabtay hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, ayaa Cadeeyay in loo siman yahay dhulka Somaliland iyo Khayraadkiisa isla markaana u soo jeediyay shacbiga Somaliland inaanay kala sheegan gobollo iyo degmooyin.
Salaadiintan waxa ay Xukuumadda Somaliland ugu baaqeen inay Ganacsiga Somaliland iyo Fursadaha Maal-gashi ay si Cadaalad ah ugu qaybisoย Ummada reer Somaliland, waxaa kale oo ay Shacabka reer Somaliland u soo jeediyeen inay ilaaliyaan Nabad-gelyada iyo Midnimada qaran ahaan
Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ka mid ahaa Salaadiintii halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Shacbigu dareemo inay u siman yihiin oo uu ka wada dhexeeyo dhulka Somaliland waxaanu sheegay in la soo dhaweeyo Cid kastoo Maalgashi ku samaynaysa .
Suldaankani waxa uu xusay in Xukuumaddu ay u xil saaran tahay inay dadka u fududayso sidii Somaliland loo maal-gashan lahaa, waxaanu intaas ku darayย inay dawlada ku garab taagan yihiin soo afjarida iyo Xal ka gaadhista arrintii Wershada Sibidhka ee Magaalada Berbera
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Suldaan Axmed-nuur Samaalle oo dhiniciisa ka sheegay in ummadu dareento Wax isu ahaanshaha iyo wada dhalashada ka dhaxaysa isla markaana ay wada degi karaan gobol kasta oo ka mid ah Somaliland.
Waxa iyaguna Madashaas ka hadlay Salaadiin door ah, waxaanay dhammaantood soo jeediyeen inaanay Ummadda reer Somaliland aanay kala lahayn Dhulka Somaliland, isla markaana aan la kala sheegan Karin khayraadka Somaliland.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net