Hargeysa, (SLpost)- Gudoomiyaha Madasha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland, Md. Xasan Guure Jaamac,ayaa sheegay in haddii ay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo isku daydo inay hor-istaagto Shirka Wadatashiga Qaran aanay ka baajin doonin inay qabtaan shirkaas,waxaana uu sheegay in haddii ay Cidi awood wax ku horjoogsanayso uu Siyaad-barre Dalka haysan lahaa oo aanay cidina ka rideen.
Waxaana uu intaas raaciyay inay Dalka ka hayso Lex-lo jeclo badani,isla markaana ay Dalka u tudhayaanโ Shirku wuu qabsoomayaa hadii ay jeceshay iyo haddii ay necebtahayba(Xukuumaddu),wuu qabsoomayaa,Haddii cududi timaado,Maxamed Siyaad-barreba cududiisii socon weyday.cidd taas qabtaana candhuufteeda dib-ha uliqdoโ ayuu yidhi Xasan Guure
Waxa uu intaas raaciyay Inay Dalka halgan dheer usoo galeen,isla markaana ay u tudhayaan โIntaasba lexlo-jeclo ayaa nahaysay, Dadkay lexlo-jeclo badani naga haysaa,umaanaan iman,umana jeedno in aanu ka shaqaysano, in aanu Kursi ku helnana umaanaan Dagaalamin,umana socono.waxaanu u soconaa Dimuqraadiyad iyo Cadaalad in laysku Xukumo.taladda Dalka Mudo ayaa la siiyay Madaxweynaha maanta talada haya,Mudaddii wey ka dhamaatay,waxaanay gaadhay Wakhti ay dhamaatay Mudaddii aanu isku ogayn.hore waxaan u idhi 27 July,2015-ka haddii ay gaadho aniga iyo Axmed Siilaanyo talada ma kala xigno,waayo muddaa la doortayโ.ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Muj. Xasan Guure