Maansadan waxa tiriyay hal-abuurka Axmed Yuusuf Cali, waana maanso kamida maansooyinka silsilada Miimlay oo uu bilaabay abwaan Xasan Daahir (Weedhsame) kana qayb qaateenΒ abwaano kale oo tiro badan
Maansadan oo la magac-baxday MADAL waxay soo baxday 19-03-2017, waxaanu abwaanku ku bilaabay sida tan:
Mur haday kadarantahy
Runtu waa ma dhaafaan
Dhuyuc iyo Madheedh iyo
Miici weeye aan jabin
Mareegtiyo silsiladiyo
Miimleey abwaankii
Maaxdeeda iba furay
Muduciga warkiisiyo
Muducaalihii iyo
Marag tafa-tirkeediyo
Millad iyo ismoodsiis
Meerisyada la yaabka leh
Milgihii Suugaantee
Loo wada mashxardiyo
Mulaaxdii haweenkee
Maansada bilaysiyo
Muran diida Deeqiyo
Maryan maatodeediyo
Ninka tiriyey Maandhaaf
Inta eray muceedlee
Lahalmaasha ee kale
Mahad baan u naqayaa
Aniguna miskeedshoo
Masalooyin dhawroo
Damiirkuna ka magaagoo
Maskaxdayda gubayaan
Soo mina warleeye
Miidaanka dheeshiyo
Inta minaka joogtiyo
Doodaha maxkamddaa
Inta milic sanaysiyo
Muta saamiciintiyo
Waxay madashu leedahay
Muducaalihii hore
Miida iyo lafaha iyo
Milil hoos u dagaybaad
Maqaarkuun ka dhayatoo
Waana muhindiskiisee
Ka mugway amuuruhu
Sidaad adigu moodee
U miidaanday xaajada
Murti yahan horaa yidhi
Mugdi dama habeenimo
Meel cidlaa ninkii tagay
Murdisada sara u fidhay
Miliqdii ninkii dayay
Muunidii fartaag yidhi
Aan kuu micneeyee
Caku mudanahaygiyo
Xaakinkii maxkamadiyo
Ma ogtahay awaaroow
Dar maluuqan baa jira
Ku agmeera baajira
Dadka meesha marayana
Iska daba mushaaxoo
Daba muluushiyaa jira
Dad aan miirlahaynoo
Loodhiibo midigtoo
Maatada u tudhinoo
Xaqa mooro duugoo
Mijin qudha haduu helo
Isa soo maqiiqoo
Kugu muruxsanaayoo
Af madiila baajira.
Miishaar afwaynliyo
Majaduu ku darayaa
Maqab iyo maxaadh iyo
Miish buu ku sudhayaa
Waa markhaati beenloo
Dooduu murginyaa.
Milad buu ku darayaa**
Miidaanka dheeshiyo
Inta minankaΒ joogtiyo
Doodaha max kamddaa
Inta milic sanaysiyo
Muta saamiciintiyo
Waxay madashu leedahay
Ma ogtahay abeesadu
Maarantiyo tamuuxdaa
Mirashada habeenkii
Had kastaba ma mudatee
Madhxisay tidhaahdaa
Shinniduna macaankiyo
Malabkeeda doocaan
Kol qudhaato muudsoo
Madhi kuma hawootee
Way miisha taa garo
Maqanaha mushteegee
Is-makeekiyaayee
Malkadayda dala,asaday
Murdisiyo dirkeedana
Madaxaw salaaxoow
Manaako iyo taywaan
Ama murishiyoostaa
Waar miyaan ka liitaa
Ma ogtahay maleesiya
Rush iyo maraykaan
Musuq laguma gaadhee
Maso iyo insaaf baa
Qaran lagu majiirtaa
Maqanaha mushteegoow
Xilku meerto weeyee
Raga meesha marayaa
Marti haw malaynine
Waa muwaadiniintii
Hadaan laga masuugayn
Madaxdaad ku taamtiyo
Mahwi gaad ku turatiyo
Maarshaaladeenaa
Maskabkiyo kuraastiyo
Mansabkay ku faanaan
Iyagaa muhiibshoo
Midigtay u taageen
Macal quutayaashaa
Maatidooda dhiigiyo
Ka idleeyay muudkii
Hadii ay minhaajkiyo
Muqnigii u eegeen
Oo ay maarahoodii
Mariikh iyo cirjiidh iyo
Minka uga xidigiyeen
Ama booli miistaha
Ka mushaawiroodeen
Maxaad uga ba,aysaa
Ma mucaarad fooshaa
Ma makhruuqa yaalbaa
Ma masayr xiltooyaa
Madde diidku waa kuma
Midnimada u bu,ayaa
Ma musaalax diidbaa
Mooraalka yaadilay
Mahuraanka yaa duray
Maansuukhu waa kee
Xaaraan maqdaca iyo
Maarkaha kumaaΒ dhacay
Mahubsadaha baas iyo
Khabar-maadayaashiyo
Muudaagu waa kee
Is-maliigu waa kuma
Dhalintaa mucuurtoon
Ka maleeganaysiyo
Saxaraha ku madhatiyo
Maxastiyo danlaydaa
Muscur kaa badaayee
Mallafsiga yiqaaniyo
Maxishoode waakee
Miidaanka dheeshiyo
Inta minaka joogtiyo
Doodaha max kamddaa
Inta milic sanaysiyo
Muta saamiciintiyo
Waxay madashu leedahay
Masuul miliqsanaayiyo
Mooshin quutayaashoow
Miizanaayadii shalay
Miridh golaha taalee
Lala wada mabsuudee
Maya hay danbaysee
Nin ka maagay qodoboo
Misna aamusnaa jirin
Xaqu-qalinka muusaha
Mucaawunada yurub iyo
Maqalada la ii madhay
Maraakiibta badihee
Malaygiyo godkiisiyo
Moqorada jaraafkiyo
Biyahaa magaalkiyo
Marsadiyo cashuurtiyo
Macdan-meerarkoodiyo
Mataanaha dhaqaaluhu
Maka muuqanaayeen
Maka muuqanaayeen
Miidaanka dheeshiyo
Inta minaka joogtiyo
Doodaha maxkamddaa
Inta milic sanaysiyo
Muta saamiciintiyo
Waxay madashu leedahay
Mooshin quutayaashoow
Meeqaaqa shiidaal
Sanadaan maqlaayoo
Malkadeena laga waday
Malihiina beenta ah
Waxaad noo maldahaysaan
Dhagixii mudnaa iyo
Macdantaa laqodayee
Jayne iyo mayaymaar
Loogu yeedhay mooryaan
Iibkeeda lagu mabay
Manfacana laqaybsaday
Ana layga maanacay
Nin kastoo magaabshoow
Macsharkiyo qiyaamaha
Makrigaad falaysaa
Uu ku maraqsan doonaa
Miidaanka dheeshiyo
Inta minaka joogtiyo
Doodaha max kamddaa
Inta milic sanaysiyo
Muta saamiciintiyo
Waxay madashu leedahay
Daayeer ismarayoo
Mal-mal cunay abaartoo
Maydhaq iyo sakaar iyo
Mudka dhuunyanaayaa
Lala muusanaabee
Mucjis geelu weeyee
Markuu milay abaareed
Maraqiisa qaadee
Marraaq iyo dab saayaday
Maygaaga sare iyo
Dhulka jiifto maadhiyo
Morohdii kol aytahay
Midhcaantii dhirteeniyo
Midhihii idlaadeen
Badda mawjadeeduu
Maydhada u doontoo
Tikhi buu muquurada
Majaacada ku didiyaa
Macbuudkaa hagaayee
Markay daba-martaysana
Dib buu isu majiiraa
Maqashuna dhir muruxday
Midhadhkii kasoo hadhay
Dul magaagsan tahayooy
Muur-muurinaysaa
Hadaan loo miciinayn
Mawlahaa u maqanoo
Miiraale rooboo
Mabaashida u gaaruu
Ku macsuumi doonaa
Adna mayti baad noqon
Waxay madashu leedahay
Musdanbeedyo badaneey
Maah-maahihii suna
Gor-gorkii muqloobee
Murti laga abyamayee
Garo lagu maraynjiray
Maalay kadaranoo
Maan-gadaa kadaba timi
Mudeec iyo hashaydii
Qoodha kaan u madhayeen
Mayalkiina ugu daray
Maba dhaadin moogee
Darkaloo malkhamad loo
Mudo weheshanaayoo
U milxiisa baa jira
Waxay madashu leedahay
Midhadh miigan mooyee
Ma ogtahay siyaasigu
Waa geed-ismaris iyo
Maska laabta hoosiyo
Luquntaba madaw ee
Miciyaha ku sudhayee
Waabayda Milan iyo
Kugu dura mariidkee
MidhifΒ kaaga tagayee
Miiraabadaadana
Maasha iyo xanuunkuu
Marawaxadiyaayoo
Dareenkana muquunshaa
Kolkuu kaa muraadsado
Waa cadaw marooroo
Maas kuu gashanayoo
Tiisuun ku mariyoo
Margi iyo qaloocoo
Macaluusha dhaayaha
Maxaadh loogu tolayoo
Maalintay ka dhawdahay
Muddo -korodhsanaayoo.
Xadhig-marana weeyaan
Aan soo afmeeree
Waxay madashu leedahay
Muumin daacadoo saxan
Oo masalihiisiyo
Masjidkiisa laasimay
Mujrim aan ahaynoo
Alla magansanaayoo
Magaciisa dhawroo
Manhajkeena diintiyo
Muslimnimo ku caanbaxay
Maba xilo illaahay.
AXMED YUUSUF CALI
HARGEYSA, SOMALILAND
HALKAN KA DHEGAYSO MAANSADA OO MAQAL AH